|

Ardayda Reer Somaliland Ee Dalka Turkiga Oo Mar Kale Doortay Hogaan Cusub SAWIRRO

Ankara — Urur waynaha ardayda Reer Somaliland ee Dalka Turkiga oo la aasasay sanadkii 2012 bishi april ayaa ku bahoobay Ururka waxaa ku bahoobay dhamaan ardayda Somaliland ee wax ka barta dalka Turkiga.

Ururka sanadkan 2016 waxaa la qabtay doorasho lagu dooranayo Gudoomiyaha guud ee Ururka hagi lahaa sanadkan bilawday, Doorashadaas oo ka dhacday 19 Gobol oo ay wax ka bartan ardayda reer Somaliland ee dalkan Turkiga.

Sida intabadan cadada u ah ardayda waxaa 15 cisho ka hor maalinta doorashada la aasaasay Gudidi Doorashada oo ka koobnayd 5 qof gudidaas oo mudadaas xilka kala wareegta gudida guud isla markaana daadihisa hawlaha doorashada ee ururka, Gudidaas oo si cadaaladi ku dhisantay iyo shaqo hufan u soo qabtay.

Doorashadan ayaa waxaa isu soo taagay inay qabtaan xilka gudoomiye nimo 2 Arday oo kala ah Gudoomiyihi hore ee ururka Mr. Abdiaziz Sheikh Mohamed iyo Xoghayihii Ururka Abdifatah Hassan Yusuf.

Waxaa doorashadas Gudoomiyan-imada mar labaad ku guulaystay Mr Abdiaziz sheikh Mohamed Abdilahi maalintii jimcihii 05/02/2015 iyadoo uu halkaasna uu uga haneeyay murashaxii Laga guulaystay Mr Abdiafatah Hassan Yusuf, Gudoomiyaha cusub Mr Abdiaziz iyadoo si walaalltinimo iyo kalgacal ku jirina ay isu gacan qaaden, Doorashadiina halkaas ku soo idlaatay.

tur1 tur2 tur3 tur4 tur5 tur6 tur7 tur8 tur10 tur9

 

Comments are closed