FBI-da Maraykanka oo ku biirey baadhitaanka Qaraxii Diyaaradda Daallo & Telefiishanka CNN oo baahiyey waxa loo adeegsaday Qaraxa
Muqdisho, 8. February,2016(SDN/QJ):– Saraakiil ka tirsan FBI-da dalka Mareykanka ayaa gaadhay Magaalada Muqdisho, kuwaasoo la sheegay inay ku biireen Hay’adihii amaan ee hore baadhista ugu waday qaraxii diyaaraddii Daallo Airlines.
Diyaaraddan oo ka duushay garoonka Muqdisho ayuu Qaraxu qabsaday Salaasadii aynu soo dhaafnay iyadoo kusii jeeday dalka Jabuuti, waxaana qaraxa oo aan si dhab ah loo sheegin noocisa ku dhintay hal qof, iyadoo ay laba Ruux oo kale ka mid rakaabkiinna ay dhaawacyo kasoo gaadheen.
Khuburadan ka socda FBI-da Mareykanka ayaa waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan hay’adda duulimaadka hawada Soomaaliya, iyagoo xusay in khuburadan ay dalka u yimaadeen in la ogaado waxa dhabta ah ee Qaraxaasi uu ahaa.
Agaasimaha Duulimadyada Somalia, C/waxiid Sheekh Cumar ayaa sheegay inay dowladda Somalia ka dalbaday xukuumadda Washington in baadhitaanka ay wadaan laga Caawiyo.
Sidoo kale, Agaasimaha oo wareysi siinayay Telefiishanka NBC News ee Maraykanka laga leeyahay, ayaa yidhi, “Waxaan rabaa in baadhitaan dhab ah la sameeyo si loo qanciyo ciidamada Amaanka, shacabka iyo dhammaan dadka ay wixii dhacay khuseeyaan.”
C/waaxid Sh. Cumar ayaa hadalkiisa ku daray in hay’adda FBI-da dalka Mareykanka ay ku Casuumeen baadhitaanka hadda socda, wuxuuna intaas ku daray in Baadhista socoda ay Qayb ka yihiin saraakiil Soomaali ah oo kusoo tababbartay Ingiriiska.
Dhanka kale, Telefiishanka Caalamiga ah ee CNN, ayaa Shalay baahiyey xog ay ka heleen baadhayaasha Qaraxii Diyaaradda Daallo, taas oo sheegtay in Qaraxa ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo loo adeegsaday Bam si xirfadeysan loogu dhex rakibay Koombuutar Labtop ah, kaasi oo Qof aan la ogeyn la galey gudaha Diyaaradda isla-markaana qarxiyey markay hawada ku jirtay muddo Daqiiqado ah.
Diyaaradda Daallo ee Qaraxu gudaheeda ka dhacay, ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ka qaadday Rakaab dhammaa 74 Qof, kuwaasi oo 70 ka mid ah Daallo u sidday Diyaaradda Turkish Airline oo Jabuuti ku sii sugeysay.