“Madaxweynaha waxaynu ugu duceynaynaa inuu noqdo mid ILAAHAY ka cabsanaya oo Dariiqa xaqa ah innagu Hoggaaminaya….”
Berbera, 8. February,2016(SDN/QJ):– Sheekh Jaamac Allaale Yuusuf oo ka mid ah Culimada Gobolka Saaxil, ayaa Khudbaddii Jimcihii dhawaa Dadweynaha ugu baaqay inay Madaxweynaha u duceeyaan inuu noqdo Hoggaamiye ILAAHAY ka cabsada oo jidka xaqa ah Dalka ku hoggaamiya.
Masaajidka uu Sheekhu ka akhriyey khudbadda Jimcaha oo uu fadhiyey Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Safar ku joogay Magaalada Berbera oo uu Shalay uga soo ambo-baxay dhanka Magaalada Hargeysa, ayuu Sheekh Allaale wuxuu Madaxwaynaha ku amaanay fulinta Qisaasta, isagoo ugu baaqay inuu fuliyo inta hadhay isla-markaana aanu u joojin Dawladaha Reer Galbeedka ee ka soo horjeeda.
Sheekh Jaamac Allaale Yuusuf oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Waxaan leeyahay ILAAHAY aynu ka cabsanno oo Cabsidiisa aynu joogteyno oo aynu Amarkiisa qaadanno, wuxuu innaga reebay aynu ka reebtoonaanno.”
Sheekhu waxa kale oo uu xusay, “Waxaynaan iloobin karin in Madaxweynaheennu uu Masaajidka inagula tukanayo. Madaxweynaha waynu u duceynaynaa Goor kasta inuu noqdo mid ILAAHAY ka cabsanaya oo dariiqa xaqa ah innagu hoggaaminaya. Hadduu innala joogo iyo hadduu innaga maqan yahay waa inaynu u duceynaa Madaxwaynaha, waayo? Ducada aynu u duceynaynaa innagaa duceysanayna Walaalayaal.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Waxaynu ugu duceynaynaa Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah oo Dalka Somaliland oo dhan laga dhageysanayo. Waxyaabaha lama ilaawaanka ah ee uu Madaxweynuhu qabtay waxa ka mid ah inuu Qur’aanka Dhiiri-geliyey oo uu kor u qaaday, waa Madaxweynihii u horeeyay ee Tallaabadaa qaaday. Waxa kale oo ka mid ah inuu Karaameeyay Culimada Dalka oo uu Sannad walba la kulmo, waxa ka mid ah fulinta Qisaasta oo Nimankii Gaalada ahaa ee Reer Galbeedkuna ka qayliyeen, waxaynu leenahay Madaxweyne inta dambana fuli oo Nimankaa (Reer Galbeedka) waa ILAAHAY Cadowgiisa ee Dhag jalaq ha u siin.”