Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo ka hadlay Maalinta ay Gobolka Awdal ka Bilaabmi doonto Hawsha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Iyo Diyaar garawgoodu halka uu Marayo
Boorama 7. February,2016(SDN/QJ):–Gudida komishanka doorashooyinka qaranka ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay in gobolka Awdal maalinta Sabtida ah ay ka bilaabi doonto hawshii diiwaan galinta codbixiyaasha.
Afhayeenka kominshinka doorashooyinka qaranka Siciid Cali Muuse ayaa daboolka ka qaaday in ay diyaariyeen shaqaalihii iyo agabkii ka hawl gali lahaa gobolkaasi, waxana uu si gaara u tilmaamay afar degmo oo ka mid ah gobolka Awdal in ay hawshaasi ka bilaabi doonto, isla markaasina shaqaalihii hawsha diiwaan galinta ay imtixaan ku kala saareen.
Dhinaca kalana Gudoomiye ku xigeenka Max,ud Cali Wacays uu ka waramay in degmooyinka ka baxsan magaalada Borama ay u ambabixi doonaan maalinta arbacada shaqaalihii ka hawlgali lahaa hawshaasi, waxa kaloo uu ka jawaabay gudoomiye ku xigeenku su’aal ahayd in aanan kominshinka shaqo ku lahayn gaadiidka ka hawlgali doona hawsha diiwaan galinta iyadoo ay ka hawlgalayso shirkad gaar loo leeyahay, waxana shacabka ugu baaqay in ay diiwaan galinta u diyaar garoowaan codbixiyaasha.