|

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ka Hadashay Muranka ka Taagan Dhismaha Tiyaatarka Soona Bandhigay Qoraalo Sharci DAAWO

Hargaysa 7. February,2016(SDN/QJ):–Xukuumada somaliland ayaa maanta ka hadashay arintii ka taagnayd tiyaatarka magaalada hargaysa.

tiyaatarka hargeysaWasiirada wasaaradaha warfaafinta iyo hawlaha guud oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada hargaysa ayaa sharaxaad iyo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey qaabkii lagu bixiyey dhulkaasi iyo noovcyada kala duwan ee dhulku ka kooban yahay.

Ugu horayn wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md cabdlaahi Maxamed daahir Cukuse ahna afhayeenka Xukuumada ayaa waxa uu tilmaan cad ka bixiyey heshiiskii Tiyaarka lagu dhisay, xiliga heshiiskaasi, go’aamada Madaxweynaha JSL ku bixiyey dhulkaasi iyo eedaymaha aan xaqqa ahayn ee ay soo jeedinayeen dhinacyo kale.

Dhankiisan wasiirka wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryaynta oo wasaaradiisu mas’uul ka tahay dhulka danta guud ayaashir jaraa’idkaasi waxa uu ka caddeeyey waxyaabaha uu xaq u leeyahay ganacsade Cumar caydiid iyo waxyaabaha kale ee si aan jirin loo buunbuuniyey.

Comments are closed