Talliye Fooxle oo beeniyay in shaqadii laga caydhiyey Taliyihii Saldhiga Ibraahim Koodbuur
Hargaysa 6. February,2016(SDN/QJ):– Taliye kuxigeenka Ciidanka booliiska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdirahmaan Liibaan (Fooxle) ayaa ka jawaabay warar sheegaya in la xidhay taliyihii Saldhiga Degmada Ibraahim Koodbuur Beddel Xasan Qayl.
Taliye Fooxle Oo Khadka Taleefanka ugu waramay warbaahinta ayaa u xaqiijiyay in aanay jirin xadhig lagula kacay taliyaha Saldhiga Booliska degmada Ibraahim Kood buur, taliyaha oo arimahaas ka hadlaya waxa u Yidhi.
“Adeer warkaasi waa been wax ka jiraa ma jiraan imikadaa aan kula hadlaayo, waxa uu ku jiraa Shaqadiisii warkaasina waa been cid xidhayna ma jirto warkaasi waa been abuur ” ayuu yidhi taliye Fooxle.
Geesta kale, Xisbiga Mucaaridka Waddani ayaa xukuumada ku eedeeyay inay shaqadii ka joojisay Taliyihii Saldhiga Ibraahim Koodbuur.