“Somaliland cidna khasab kuma saarayso, balse Qof kastoo Ajaanib ah, Soomaliya ama Waddan kale waxa waajib ah…” Taliyaha Laanta Socdaalka
Hargaysa 7. February,2016(SDN/QJ):– Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Jamhuuriyadda Somaliland G/S Maxamed Cali Yuusuf (Ina-Cambaro) ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin ajaanib khasab dalka lagaga saararyo haduu leeyahay sharci degenaansho, marka wakhtigii digniintu dhamaado.
Taliye Mr. Maxamed Cali Yuusuf oo xalay wargeyska Himilo u waramay ayaa shaaciyey inay ku amrayaan dhamaan mulkiilayaasha hudheelada hurdada, guryaha kirada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ku xidhaan shaqsi kastoo u adeegayaan warqada dhalashada (ID), waxaanu yidhi,
“Waxaan farayaa dhamaan mulkiilayaasha hudheelada hurada, guryaha la kireeyo iyo shirkadaha gaarka inay weydiiyaan dhamaan macaamiishooda warqada dhalashada Somaliland (ID) ama sharcigiisa degenaansho haduu ajaabin yahay (Soomaaliya ama wadan kale), qofkii ka baaqsadana sharciga la horgeyn doono.
Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka JSL G/S Maxamed Cali Yuusuf ayaa shaaciyey inaanu jirin cid ajaanib ah, Soomaaliya ama wadan kale oo sifo khasab ah looga saarayo dalka, haduu samayto sharci degenaansho, waxaanu yidhi,
“Ma jirto cid ajaanib ah oo Xukuumada Somaliland ka saarayso dalkeeda, ama Soomaaliya ha u dhasho ama wadan kale, laakiin waxa la farayaa in qof kasta iska diiwaangeliyo xafiis ku yaala agagaarka wadadda galbeed ee dhakhtarka weyn, oo doonaya inuu qaato sharciga degenaanshaha, shaqada ama waxbarasho ee Somaliland,”
“Dhamaan dadka ajaanibka ee doonaya inay visa degenaasho ka qaataan dalka, waa inuu soo buuxiyaan shuruudaha lagu bixinayo, sida shaqo, ganacsi, waxbarasho, iskuna diiwaangeliyaa muddada ka horeysa 25, bishan, iyagoo uu la socdo qof wakiil ka ah, waxii ka dambeeya ciidamada socdaalka Somaliland waxay amar ku qabaan inay qabtaan qof kastoo sharci la’aan ku jooga dalka.
Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka JSL G/S Mr. Maxamed Cali ayaa sheegay inay talaabdan u qaadayaan hirgelinta go’aamadii ku aadana sugitaanka amaanka ee dhowaan xukuumadu soo saartay, waxaanu yidhi,
“Qorshaha xukuumada Somaliland waa in dhamaan ajaanibka ku sugan dalku ay sifo sharci ah ku joogaan, kuna soo galaan, si looga digtoonaado, loogana hortago dadka dembiyada gala ee isaga gudbiya dalalka jaararka.
Hadalka Taliye Maxamed Cali (Ina-Cambaro) ayaa meesha ka saaraya hadalo dacaayad ah oo madaxda Soomaaliya ku sheegayeen in Somaliland sifo khasab ah ku celinayo dadka ka soo jeeda.
Hargaysa SDN/QJ