Magaaladda Sheekh Hal Askari oo ku dhaawacmay Kadib Gadood Shacab oo maanta ka dhacay
Sheekh 6. February,2016(SDN/QJ):– Wararka soo gaadhay shabakada wararka ee Qurbejoog.com waxaa ay sheegayaan in saaka Subaxii Hore Iska Horimaad Hubaysani Dhexmaray Koox hubaysan iyo booliska magaalada sheikh.
Kooxdan weerarka ku soo qaaday ciidamada Booliska ayaa waxaa ay ka Mudaharaadyeen Nin carbeed oo Maalgashade ah kaas oo raba in uu Dego Dhul ku yaala Hawdka Bari ee Degmada Sheekh taas oo sida uu warbaahinta u xaqiijiyey badhsaab Ku Xigeenka Gobolka Saaxil uu Sheegay in Sifo Sharci ah ay Ugu Ogalaadeen Golaha Degaanka ee Degmada sheikh.
Iska Horimaadkan Hubaysan ayaa waxa Ku dhaawacmay hal Askari oo boolis ah sidoo kale wararka soo gaadhay shabakada Qurbejoog waxaa ay sheegayaan in ay hada kala degan tahay xaalada magaalada sheekh , saddex qof oo ka mid ah dadkii wareerka soo qaadeyna gacanta lagu dhigay