|

Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga Amb.Kaysar Muxuu Ka Yidhi Xadhiga Cumar Caydii Iyo Xaaladda Tiyaatarka?

key

Cumar Caydiid Wax uu Xaq u Leeyahay Cidina Ka Qaadi Mayso, Wax Aanuu Xaq u Lahayna Helimaayo!

Asalaamu Calaykum

Waxaad Moodaa in Arrinta Tiyaatarku ay isu rogtay Mashruuc Siyaasadeed iyada oo Mashriq iyo Maqriba la arkayay dhawaaqyo Dhiillaysan oo Warbaahinta la marinayo taasi oo aan loo baahnayn. Waxaana Muhiim ah in la ogaado in aynu nahay Qaran dhisan oo awwood u leh inay Xalliyaan muran kasta oo yimaada iyada oo loo baahan yahay in laga fogaado hadalada Dhiillaysan ee Warbaahinta la marinayo taas oo Nusqaan iyo Karaamo dhac inagu ah Ummad ahaan.

Waxaa kale oo Muhiim ah in aynu ogaano in Wax uu Cumar Caydiid Xaq u Leeyahayna aan Cidina Ka Qaadi karin,. Wax aanuu Xaq u Lahayna aanuu cidna ka Qaadi karin. Waxaana Muhiim ah in loo daayo dadka gacanta ku haya Xal u ehelida Arrinta Tiyaatarka

Dabcan Booliska iyo Ciidamada Ammaanku iyagaa og sababta ay Cumar u xidheen, mana haboona in farogelin lagu sameeyo shaqadooda iyaga oo ah kuwa Heegganka u ah sugida Ammaanka Dalkeena. Waxaa kale oo Muhiim ah in la ogaado in Cumar Caydiid aanuu ku xidhnayn Xabsiga Guantanamo bay, balse waxa uu joogaa Magaaladiisii, waxaanuu la joogaa Booliskiisii mana jirto sabab macquul ah oo keenaysa dhawaaqyada dhiillada leh ee dadka lagu kicinayo.

Waxay ahayd Dorraad mar aan Saldhiga Koodbuur ku booqday Cumar Caydiid, waxaana ka muuqday degenaan isaga oo dhex joogay Qol goglan oo Sariiri dhex taallo isaga oo si caadi ah iskala sheekaysanayay dadkii booqanayay. Waxaanan Cumar ku adkeeyay in aanuu marnaba ku kicin wax Amaanka wax yeellaya, waxa kale oo aan u sheegay in Waxii uu Xaq u Leeyahayna aan cidi ka qaadayn, wax aanuu Xaq u Lahayna aanuu heli doonin.

Ugu Danbayn waxaan ugu baaqayaa Bulshada reer Somaliland in aan Arrinta Tiyaatarka mid Qabiil laga dhigin sidoo kalana aanay Danaystayaasha Siyaasada iyo Xisbiyada Mucaaridku aanay Arrinta Tiyaatarka ka dhigan Madal Goolal Siyaasadeed lagu kala Dhalinayo. Waxaana Muhiim ah in la ogaado in Baloodho yar oo dhul ah oo si deggen loo xallin karo aanay haboonayn in Warbaahinta la isu soo fadhiisto oo Bulshada la Murugo geliyo. Waxaynu nahay Qaran dhisan oo Dhaqan iyo Hiddo u leh inay Xalliyaan muran kasta oo yimaada, waxaana Hubaal ah in Arrintan Tiyaatarka Dhakhso loo Xallin doono.

Somaliland ha Guulaysato
Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

 

Comments are closed