|

Suxufiyiinta Caanka Ah Ee Xasan Maxamed Yuusuf & Axmed Cismaan Batuun Oo Isku Weeraray Maansooyin Jacbur Ah {AKHRISO}

Xasan-Iyo-Batuun-

Xasan Maxamed Yuusuf & Axmed Cismaan Batuun

Hargeysa — Abwaan Axmed Cismaan Batuun oo ka mid ah wariyeyaasha ugu caansan dalka, gaar ahaan idaacadda gaamurtay ee Radio Hargeysa ayaa curiyey Maanso Jacbur ah oo aad u qosol badan oo magaceeda la yidhaa LAPTOP, waxaanu ku yidhi kuna bilabay sidan:

  • LAPTOP nin haystaa
    DESKTOP ma doonoo
    intuu CHARGER qaatuu
    Marba FIISH la tegiyoo
    Boorso uu kurido iyo
    Khan u waayi maayoo
    Xaalkiisu waa halis
    Markuu dhuuqo FACE,koo
    Mashquul kama dhamaadee
    Anigana sidaasaa
    Muuqaaqa jeerkaan
    SCREEN-ka soo dhigo
    Kal gacayl isaaqaa
    waan PAINT gareeyaa
    PHOTOSHOP-ka mariyaa
    Oon POWERPOINT,kiyo
    EXEL-kaba ku tuuraa
    Ayahaygiibaad tahay
    Waan Walwaalayaayoo
    Jacal-baan daraadaa
    Samiiray Fatahayaa
    3G ka rooneey
    MOUSE,kii quluubtaay
    Ma RECYCLBIN-kaad
    Jacaylkii Kutuurtoo
    FORMAT garowyoo
    Waxaad tidhi DELETE oo
    Qulqul baad ileedahay
    Waxaan kaa codsanayaa
    RESTORE- gareeyoo
    UPDATE- sii walaaleey
    Ubad iyo Caruur badan
    Aan PRINT garaynee.

Hadaba Maansadan Jacburka ah waxaa ka jawaabay Abwaanka Suxufiga Ruug-cadaaga ah Ee Xasan Maxamed Yuusuf. Maansadan oo Wariye Xasan ula baxay “JAWAABTII SAMIIRA” Ayuu ku bilaabay sidan:

  • Niyaddiyo Quluubtaba
    Hardwere-ki wadilaa
    Adigaa khalkhaliyoo,
    C-da iyo D-dii
    Aan kugu xafidilaa
    Bluetooth-yadaadaa
    Belo soo walwaaloo
    Trojan-ka Daran iyo
    Virus miidhan geliyoo,
    Faylashii Kalgacalkaba
    Adaa Tuuree ma ogtahay .
    Jacaylkaagi inanyow
    Waxa diiddey laabtoo
    Kolkaan Save idhaahdaba
    No-bay I lleeyahay.
    Tan Recycle binkuna
    Very easy weeyoo
    Haddii aad ku jirilayd
    Restore baa ku filanoo
    Halkaagii ku dhigilayd.
    Dibindaabyadaadaa
    Iskiriinki demisoo
    Maankaygu Wiilyohow
    Wax Repair gareeyiyo
    Anti virus Xaadhiyo
    Wax Scan Yidhaahdaba
    Markii aan ka Quustuu
    Formaat garooboo
    Sababtana adaaloo
    Computerkaygaas
    Ugu wacan Crash-kee
    Bal Yaad eersanaysaa
    Maskaxdaydii anigana
    Restart aan idhaahdiyo
    Guux hay dambeeyee
    Meel geriirta malahoo
    Rag Aaytii yaqaanoo
    Fix all yidhaahdiyo
    Injineer sameeyiyo
    Expert-ki joogaan
    Bal inay daweeyaan
    Ayaan hore u geeyoo
    Kolki lagu wareeree
    Loo maaro waayaa
    Imaaraadka loo diray
    Dhawaan inuu hagaagoon
    Internetki galo oon
    Emailladaydiyo
    Facekii ku laabtana
    Waan rajeynayaayoo
    Alle waxaan ka tuugaa
    Inuu ii shaqeeyaa.
    Error kaad I gelisaan
    Xal u daydayaayoo
    Marka aan Xasuustaba
    Dhanjaf baygu kaca oo
    Dhakadaa I faartoo
    Dhaayahaan wax Arag oo
    Dhegahaa I awdmoo
    Lugahaan Dhaqaaqine
    Fadlan waxaan ku leeyahay
    Flash-kaloo aad leedoo
    Softwere Caashaq lagu sido
    Inistooling-maayee
    Ha ii keenin Axmedoow
    Asxaabtaada Face-kana
    Aksebt ku odhan maayee
    Iska kay illow oo
    Kola haygu soo darin

–Dhamaad–

Comments are closed