|

Aqoonyahan Mohamed Hagi oo si aqooni ku dheehan tahay uga hadlay xadhiga ganacsade Cumar Caydiid

London Feb 04,2016(SDN/QJ)-Aqoonyahan Mohamed Hagi oo ku takhasusay culuunta dawlad wanaaga ayaa si cilmiyeysan uga waramay xariga ay xukuumada Somaliland u geysatay ganacsade Cumar Ceydiid.

“Xadhigga ganacsade Cumar Caydiid, waa mid runtii aad looga xumaado. Ceeb bay dawladnimada ku tahay in sharciga iyada laga ga Cawdo. Xuquuq ka qaadidda qof muwaadin ah oo waliba maal-galiye ah waa mudakarnimo la’aan dawli ah”. ayuu yiri Aqoonyahanku.

Aqoonyahan Mohamed Hagi ayaa sidoo kale waxa uu baaq caaqilnimo u diray xukuumada Somaliland.

“Waxa aan codsanayaa in dawladdu xorroyaddiisa dib ugu soo celiso. Haddii dacwad loo qabo na sharciga la waafajiyo, isaga oo ganacsaduhu bannaanka jooggo. Sidoo kale na xaq buuxa loo siiyo in si sharci ah isku difaaci karo. Dawladdu ha ka waantowdo qafaalashada muwaadiniinta”.

Mohamed Hagi ayaa qoraalkan oo uu ku faafiyay bogiisa bulshada ee Facebook waxa uu ku soo beegmayaa xili hadalheynta uGu badan siyaasada Somaliland ay aheyd xadhiga ganacsade Cumar Ceydiid.

Isla markaana looga hadlayay si masuuliyad daro ka muuqato xadhiga Ganacsadaha oo lagu eedeeyay xaalad abuur.

SDN/QJ-London

contact@qurbejoog.com

Comments are closed