|

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka aamusay Xadhiga Ganacsade Cumar Caydiid, maxey tahay sababtu?

faysal cali waraabe ...

Hargeysa Feb 04,2016(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo looga bartay ka hadalka kolba xaaladaha dalka jira khaasatan khalaadaadka ay xukuumadihii isaga danbeeyay talada dalka Ayaan ila aiyo haatan si mug leh uga waramin xadhiga aan sharciga loo marin ee loo geystay Ganacsade Cumar Caydiid.

Cumar Ceydiid ayaa ciidamo ka tirsan Booliska Hargeysa oo aan sidan goaan qabasho xabsiga u taxaabeen dhawaan.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo aan looga baran in uu ka amuuso dhacdooyinka nuucan ah ayaa la isla dhexmarayaa sababo kala duwan oo uu uga gaabsaday dhacdadan.

Guddoomiye Faysal ayaa xeeldheereyaasha qaar sheegeen in ay uu yahay shakhsi uur ku qaad leh amaba shakhsiyadeeya arimaha qaar.

Waxaana la tuhunsan yahay in Ganacsade Cumar Caydiid aanu ka mid aheyn ganacsada ay Guddoomiyaha isku saansaan banana yihiin.

Aamusnaanta Guddoomiyaha UCID ayaa waxa ay muujineysaa sida xilka qaran ee uu hayo uu u shaqsiyadeeyo.

Si kastaba ha ahaatee xisbiga UCID ayaa masuuliyiintiisa qaar ay si adag uga hadleen xadhiga ganacsade Cumar Caydiid.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed