Wararkii u dambeeyay Xaalada Sheekh Maxamed Umal oo Qaliin Culus ku Galey Dalka Hindiya
Delhi 5. February,2016(SDN/QJ):– Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mida cullimada waaweyn ee dhulka Soomaalidu degto oo xaalad caafimaad u jiifay cisbitaal ku yaala Dalka Hindiya ayaa xaaladiisa caafimaad kasoo raynaysaa kadib marki uu galay qaliin culus oo lagu sameeyay.
Sheekh Umal oo qoraal kooban ku baahiyay degalka uu ku leeyahay barta ay bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook-ga ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad aad u wanaagsantahay Islamarkaana uu kasoo baxay Qolka ICU-ga.
Sheekhu waxaa uu u mahadnaqay umadii usoo duceynsay islamarkaana ka naxday Xanuunkiisa .
Qoraalka Sheekh Umal ku baahiyay Facebooga waxaa uu u dhignaa sidan:-
“Asc.wrx wbr Alle ayaa mahad dhamaanteed mudan oo iska leh,kadibna waxaan u mahad celinayaa dhammaan culimadii iyo akhyaartii iigu soo ducaysay caafimaadka. waxaan idinku bishaaraynayaa in qalliin culus kadib xaalkaygu fiican yaha, aanan kasoo baxay qaybtii ICU-ga oo aan joogo qolkaygii isbitaalka, aadna waan ugasoo raynayaa Alle mahaddii. ducadiinii ilahay waa ii aqbalay sidaa daraadeed aad ayaan uga soo raynayaa.”