|

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Xayiraada Somalia Ay Saartay Duulimaadyada Hargeysa Iyo Muqdisho

Hargeysa 2, February,2015(SDN/QJ):- Wasiir ku-xigeenka amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in aanu khusaynin go’aanka dowladda Soomaaliya.

Maxamed Muuse Diiriye“Waa hawl u taala iyaga (Somalia),  annagu shuruuc baanu soo saarnaa shuruucdaasina waxa ay sheegaysaa in aanu laba dal kala nahay in si sharci ah loo soo galo si sharci ahna loo soo noqdo sida Jabuuti iyo Itoobiya haddii ay iyagu dadka kala xayirayaan oo ay ka go,an tahay in aanu kala xidhano waa hawl iyaga u taala anagaaba jecel.” Wasiir ku xigeenka Amniga oo u waramay Idaacadda VOA-da

Wasiir ku xigeenka amniga ee Wasaaradda arrimaha guddaha Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu intaas ku daray “anagu qorshahayagii hore ayaanu wadanaa haddii ay soo celinayaan iyaga ayay u taala ninka reer Somalia ah ee passport sitaa waa uu ku noqon dalkiisi kii aan hore u haysan ee aanu go home wuu tagi ka reer Somaliland ee Passport kii Somaliland ku tagaya waanu siinaynaa haday soo celinyaan iyaga ayay u taalla.”

Comments are closed