|

Mawqifka Guddoomiye Cirro ee qorshaha Dawlada Somaliya ku hakisay Duulimaadyada Hargeysa Iyo Muqdisho DAAWO

Hargeysa 3, February,2016(SDN/QJ):-Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka hadlay maqifka xisbiga Waddani ee joojinta duulimaadyada Muqdisho iyo Hargeysa.

cirroXafiiska laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee dawlada Somaliya ayaa soo saaray go’aan ay ku joojinayaa Duulimaadyadii diyaaraduhu ku tagi jireen Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Guddoomiye Cirro waxaa uu sheegay in aanay waxba ka qaadan xayiraada dawlada somaliya saartay diyaaradaha imanaya Hargeysa balse loo baahanyahay buu yidhi in xukuumada Somaliland ka qaadato mawqif adag oo ay kaga jawaabayso arrinkan.

Md Cirro waxaa kale oo uu sheegay in hawsha xayiraada diyaaraha Hargeysa ay u taalo Mulkiilayaasha diyaaradaha u kala socda Somaliland Iyo Somaliya.

“Somaliland iyadaa xor u ah cida iyo diyaaradaha ay la macaamilayso, markaa cida masuuliyada koowaad lihi waa diyaaradaha waana diyaarado ganacsi oo meesha ay doonayaan iyagaa imanaya, laakiin Somaliland laba waxba way u banaanyihiin, Marka hore inay madaxbanaanideeda iyo cida u imanaysa madax ka tahay, diyaarada u imanaysana ay ruqsad siiso, markaa diyaaradii aan imanayn ee ka maaranta ganacsiga Somaliland waxa laga yeelayo dawlada ayay u taalaa”ayuu yidhi

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxaa uu intaasi ku ladhay oo uu yidhi “Marka labaadna arrintaasi waxay ku timid waxaa la rabaa xukuumadu inay mawqif adag ka qaadato, laakiin waxaan qabaa in isu socodka diyaaradaha, gaadiidka iyo dadkuba madaxbananaado”

Geesta kale, Guddoomiyaha Cirro waxaa uu sharaxaad ka bixiyey sawir laga qaaday isagoo biyo siinaya Hal oo bulshadu u macnaysatay inuu u jawaabayo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

“Anigu geel meel maraya ayaan la kulmey geela leyma sii qorsheyn in aan meesha kula kulmo lakiin si kadis ah baan kula kulmey geel la waraabinaayo , berigii aan yaraana mar mar ayaan soo waraabin jiray geela xaafada, markaas dawliska uun baan yara qabtey kuna waraabiyay lakiin muuse ugumaan jawaabeen bulshadana yaanay si kale u turjuman”ayuu yidhi Mudan Cirro.

Comments are closed