|

“Dimuqraadiyadda Somaliland waxa u soo biyeystay inay burburiyaan Dad gashan Khamiisyo oo Xagga Dambe wax ka maamula…”

Hargeysa, 3 February, 2015-(SDN/QJ): –  Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), ayaa sheegay inay jiraan Dad awood badan ku leh Somaliland oo si Dadban u burburinaya Nidaamka dimuqraadiga ah ee Somaliland ka hano-qaaday, Dadkaasi oo uu tilmaamay inay yihiin kuwo awood badan, hasa-ahaatee aan Dadweynaha hor-iman karin.

 

Doorashooyinka SomalilandCali Gurey oo lagu Wareystay Barbaamijka Milicsiga Siyaasiga ee Telefiishanka Universal, ayaa sidoo kale la waydiiyey inuu dib ugu noqon karo Xisbiga KULMIYE iyo Madaxweynaha, maaddaama oo ay Xukuumaddiisa ka baxeen Xubno aanay isku wanaagsanayn siyaasad ahaan.

 

Cali Gurey oo ka jawaabaya su’aashaasi, ayaa yidhi, “Odeygu (Madaxweynuhu) isagaaba ka tagay KULMIYE, Xukuumaddana waxa kaga hadhay intaa u hadhay imika, intaa u hadhay waxaan jecelahay in aanan taataaban.”

 

Cali Gurey, waxa kale oo uu ka hadlay Musharraxnimada Muuse Biixi, “Muuse Biixi waa Saaxiibkay, waa Abtigay, waa Mujaahid, isaga inaan u duceeyo mooyaane mar hadduu tartan u tafa-xeytay ma jecli in intii hore ka badan iga gaadho.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay sababaha illaa hadda Golaha Wakiilladu u ansixin la’yahay Xeerkii dib loogu soo dooranayey, “Xeerka (lagu doorto Golaha Wakiillad) markii hore waxa la yidhi mar qudha ayaa lagu geli karaa, waxaana looga jeeday in Baarlamaanka la doorto iyo Xukuumaddaasi u hawl-galaan sidii loo heli lahaa Xeer saami-qaybsigiisu Caddaalad u dhow-yahay ama la isla wada ogol yahay. Laakiin, maaddaama oo dan la wada leeyahay anigu waxaan qabaa in Xeerkaasi uu ahaa wax laga wada heshiin karayey muddadaa dheer, laakiin, ku talo-gal bay ahayd inaan Xeerkaa la ansixin, waxaana isku ogaa Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada oo uga gol lahaa in muddo korninno dheeraad ah lagu sameeyo.”

 

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka hadlay Muddada dheeraadka ah ee Xildhibaannada Wakiilladu fadhiyaan, “Muddada la doortay Golaha Wakiillada oo ah shan Sanadood, waxa ka badan muddada xaaraanta ah ee ay Muddo kordhinta ku fadhiyaan, weli maynaan arag bani-aadam aqbala muddo kordhin 7 sanadood ah. Haddana, ilaa Maanta waxaynu ognahay inaan Xeerkii hore la ansixin, ku dambe aan la keenin. Yaa xeerkan eeddiisa leh, Anigu waxaan qabaa Shaqsiga koowaad ee Eeddaa lihi inuu yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro.” Ayuu yidhi.

 

Guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ee UCID, waxa uu sheegay in Dad awood badan oo daaha dabadiisa wax ka maamulaa burburinayaan Nidaamka Dimuqraadiga ah ee Somaliland, “Bulshada Caalamku way ka quusatay wixii aynu 19-ka Sannadood soo dhisaynay ee ahaa nidaamka Dawladnimo, gaar ahaan Nidaamka Dimuqraadiyadda, waxan oo dhan Dad baa u soo biyeystay inay burburiyaan, waa Dad cabban oo aan Dadka la doodi karin, Dadka hortoodana aan iman karin, meelahaas ayay khamiisyo gashan yihiin oo xagga dambe ayay wax ka maamulaan.”

 

Comments are closed