Baadhitaan Cusub oo lagu beddelayo Hidda-sidaha DNA oo markii u horreysay laga oggolaaday Britain
London 2, February,2015(SDN/QJ):- Saynisyahannada Waddanka Britain, ayaa la siiyay oggolaansho ay ka heleen Hay’adda u qaabbilsan dalkaas ilmaha ee Human Fertilisation iyo Embryology, oggolaanshahaas oo wax lagaga beddelayo Hidda-sidaha loo yaqaanno DNA.
Baadhitaan, ayaa lagu samayn doonaa Francis Cricks Institute ee London, iyadoo ujeedadu tahay in la fahnmo waqtiyada hore ee bini’aadanka uu uurka ku abuurmayo.
Tijaabada ayaa dhici doonta toddobada bari ee ugu horaysa kadib ilamaha markay abuurmaan, waxaana wax laga ogaan karaa waxa waxilmaha uurka ku dhinta. Waa sharci-darro inay saynisyahanada ku abuuraan ilmo Haween. Geneka oo la badalo ayaa ah in la badalo DNA oo aas aas u ah qofka.
Markii ugu horraysay ayaa sanadkii saynisyahanada Shiinaha ay ku dhawaaqeen inay badaleen Geneka markay ilamaha samaysmayeen si ay u saxaan DNA sababta cudur ku dhaca dhiiga.
Baaritaankan ayaa keenay muran badan, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in baddalaada DNA marka ilamaha ay samaysmayaan ay tahay faragalin badan taasoo albaabka u furaysa ilmo gacanta lagu samaynayo.