|

Ururka Khayre 21 Oo Hargeysa Ku Qabtay Kulan Lagaga Arinsanaayey Horumarinta Deegaanka Bariga Hargeysa DAAWO

Hargeysa 2, February,2015(SDN/QJ):- Ururka Horumarinta Deegaanka Sabawanaag iyo Cadaadlay ee Khayre 21 ayaa shir-weyne balaadhan oo lagaga hadlaayey sidii loo horumarin lahaa deegaankaas ku qabtay magaalada Hargaysa.
Xafladan oo ahayd casho sharaf balaadhan oo si heersare ah loo soo agaasimay isla markaasina ka qabsoontay Himilo Hotel Hargeysa ayaa waxa ay ahayd mid kulmisay Aqoonyahanka , Wax-garadka,Siyaasiyiinta ,Qurbajooga iyo Madax-dhaqameedka Deegaanka Sabawanaag iyo Cadaadlay.
Shir-weynahan balaadhan oo ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa oo kale ah ayaa waxa lagaga arinsaday sidii loo dardar galin lahaa isla markaana loo horumarin lahaa deegaanka iyadoo isla markaasina la isla qaatay in si dhakhso ah wax looga qabto dhinacyada Caafimaadka ,Waxbarashada,Wadooyinka iyo Biyaha oo deegaankani aad uga liito.

Comments are closed