|

Somaliland oo Maanta laga Oogay Salaad Roob doon ah iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Shacabka Burco Salaada la Tukaday Soona Kormeeray Diiwaanglinta Codbixiyaha Iyo Khudbadihii laga Jeediyey DAAWO

Burco 01 Feb , 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo ku sugan Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco waxa uu saaka la tukaday kumanaan Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco, Salaadii Roobdoonta ee uu madaxweynuhu 30.01.2016 uu iclaamiyey in guud ahaan dalka laga tukado maanta oo ay taariikhdu tahay 01.02.2016.

b2550b06-cb16-4cf7-a042-ecdfc9f4e6b3Salaada Roobdoonta oo uu madaxweynuhu kula tukaday shacbiga Togdheer Garoonka Kubbadda Cagta ee Alamzay Stadium, oo ay igu soo baxen kumanaan ka mida shacbiga ku dhaqan magaalada burco.

Intii lagu gudo jiray u diyaar garawga Salaada roobdoonta waxa shacbiga la hadlay qaar ka mida Culimada gobolka oo khudbado kala duwan u jeediyey, kuna dardaaray inay is cafiyaan oo ay alle danbi dhaaf waydiistaan.

Ugu danbayna Madaxweynaha Qaranka ayaa guud ahaan shacbiga Somaliland halkaa uga duceeyey allena uga baryey inuu raxmadiisa u shubo, kana soo furto abaaraha iyo biyo yaraanta.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu kormeer ku tegay goobo ay ka socotay Diwaangelinta Codbixinta iyo Muwaadinka, waxaana goobahaasi warbiximo ka siiyey dhalintii ama hawlwadeenadii gacanta ku hayey shaqada iyo Masuuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Aadan Qabo, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Maxamed Warancade, iyadoo Madaxweynuhuna uu shacbiga ku dheerigeliyey inay isdiwaangeliyaan oo ay ka faaiidaystaan wakhtiga ay socoto diwaangelintu, si ay hadhaw u muujiyaan codkooda ama kaalintooda muwaadinimo oo ah mid waajib ku ah qofkasta oo u dhashay Somaliland.

Madaxweynaha oo la Tukaday Salaadii Roobdoonta Shacbiga ku dhaqan magaalada Burco

Madaxweynaha oo Kormeeray Goobaha Diwaangelinta Codbixiyeyaasha ee ka socota Gobolka Togdheer

Sheekh Cali Warsame iyo Salaadii Roobdoonta ee Burco laga tukaday maanta

Ducadii Sheekha ee Salaadii Roobdoonta ee laga tukaday Burco

Comments are closed