|

Ibraahin Hawdoow Dadka Naarta Haawiya Ha U Hoggaamin

howd

Ilaahay baa mahad leh inoo soo diray Nebi Muxamad SCW.

Intaa ka dib waxaan fariin kooban ka helay Eng: Cabdullaahi Ibraahin Caraale, anna aan arkay markii danbe warkeedu ku urursan yahay “Ibraahin Hawd oo inkiray, diidayna xadiisyadii Rasuulka SCW” Anigoo ka jawaab celinaya waxaan leeyahay:

Walaahayga muslimka ah waxaa naxdin iyo tiraanyo leh, in maalin walba diinteenii wanaagsanayd weerar lagu hayo, ay hogaaminayaan rag sheegtay inay yihiin qalinlay iyo hal-abuur, weerarkaas oo kii u danbeeyey la rabay in xadiisyada Nebi Muxamad CSW khadka lagaga saaro, oo la yidhi waa Been.

Intaanan mucda hadalka u gelin waxaan ku talinayaa inay qalinlayda caafimaadka qabtaa ay u diyaar garoobaan jihaad ay ugu hiiliniyaan Nebi Muxamad CSW, qalinku qiimo iyo qaayo midna malaha haddii diinta lagu soo weeraro iyo haddii diinta loogu hiilin waayo, wasaaradda diinta iyo aqwaafta waxaa la gudboon inay ka warhayaan qalinlayda iyo rugaha wax lagu akhristo, qof walbana waajib baa ka saaran in uu u hiiliyo Nebi Muxamad SCW.

Arinkan Ibraahin Hawd ka soo yeedhay ee uu leeyahay “Xadiis saxiix ahiba ma jiro, sidoo kale wuxuu ku tilmaamay xadiisyada: “Dacaayad siyaasadeed oo ogaan loo qoray.”

Inagoo beentiisaas ka jawaabayna waxaynu leenahay:

1) Warkani wuxuu khilaafsan yahay waxay isku raacday culimada iyo ummadda islaamka oo dhammi, oo ah inay xujjo tahay sunnada Nebi Muxamad SCW, qofkana aanay u suuragal ahayn in uu ka maarmo xadiisyada Rasuulka SCW, qofka hadalkan ku tiraabayaa wuxuu baalmarsan yahay ugu horreyn Quraanka, Allaah wuxuu yidhi:

قال الله تعالى : {وَمَا آتَاكُمُ الرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَاكُمْ عَنْهُ فَانتَهُوا}

Allaah wuxuu yidhi: “Wixii Rasuulku idiin siiyo qaata, wuxuu idinka reebano ka taga.”

Cabdullaahi binu Mascuud markuu lacnaday oo yidhi “Ilaahay naxariistiisa ha ka fogeeyo ta jidhkeeda meelo ka mid ah daloolisa ka dibna midab kale ku daadisa, ta dalbaysa in lagu sameeyo arinkan, ta timaha wajiga rifaysa, ta dalabta in lagu sameeyo arinkaas, kuwa ilkahooda kala durkiya qurxin darteed, doorinaysa sidii Ilaahay u abuuray.” Haweenay la odhan jiray Umu Yacquub waa tii ku tidhi: Quraanka waan akhriyey dhammaantii, kumana arag. waa ka u soo qaatay Ibnu Mascuud aayaddan “Wixii Rasuulku idiin siiyo qaata, wuxuu idinka reebano ka taga.”

وقال الله تعالى : {مَّنْ يُطِعِ الرَّسُولَ فَقَدْ أَطَاعَ اللهَ}

Allaah wuxuu yidhi: “Ciddii Rasuulka adeecday, waxay adeecday Allaah.”

وقال الله تعالى :{وَمَا يَنطِقُ عَنِ الْهَوَى إِنْ هُوَ إِلاَّ وَحْيٌ يُوحَى}

Allaah wuxuu yidhi: “Ku hadli maayo (Rasuulka) hawo (waxa naftiisu jeclaato), wax kaleba ma’ahe waa waxyi loo waxyooday.”

وقال: {وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ} [المائدة:92].

Allaah wuxuu yidhi: “Ilaahay adeeca, Rasuulkana adeeca.”

Caalimka wayn Maxamed binu Cali Al-yamaani wuxuu yidhi: inay xujjo jirta tahay sunnada Nebi Muxamad SCW, ayna la madax banaan tahay sharci dajinta axkaamta, waa baahi (qasbanaan) diineed, arinkaana ma khilaafo qof aan islaamka nasiib ku lahayn mooyee.

2) Ciddii u horeysay ee warkan ku hadashay Ibraahin Hawd wado waa qolo ka mid ah Raafidada aad ka u fog oo culimaduna ku xukun tahay inay gaalo yihiin.

Waxaana ku soo arooraya khalkhal fara badan oo ay ka mid yihiin: Maxaad ku garanaysaa inay salaaduhu shan yihiin haddaad dafirtay xadiisyadii Rasuulka SCW? Maxaad akhriyi salaadda gudaheeda ilayn Quraanka laynooguma sheegine? Qaabkee u tukanay ilayn kuma haysid Quraankee? Sakadu xoolaha xillimay ku waajibtaa, xoolo noocee ah bay ku waajibaysaa ilayn Quraanka kuma hayside? Qaabkee xajka u gudanaysaa? Qaabkee xuduuda loo oogayaa. Waxaan uga socdaa waajibaadka fara badan ee Quraanku ina farayo waxaa laynoogu balbalaadhiyey oo laynoogu sharaxay xadiisyada Nebi Muxamad SCW qofkii dafiraa sida Ibraahin Hawd iyo xertiisa xaggee diin u doonanayaan iyo sharaxaad.

Ibnu Xasmi wuxu yidhi: haddii qof yidhaahdo: “Qaadan mayno waxaanu Quraanka ka helo mooyaane.” Wuxuu noqon lahaa gaal sababtuna waxaa weeye ummaddii oo dhan baa isku raacday, waajibna kuma noqdeen waxaan rakcad kaliya ahayn oo u dhaxaysa marka qorraxdu badhtamaha ka suusho ilaa laga gaadhayo mugdiga habeenkii iyo rakcad kale oo ah marka waagu dilaaco, waayo waa waxa u yare ee uu ku dhaboobayo magaca salaad, wixii intaa ka badan malaha xad lagu jaangoynayo. Ka sidaas yidhina waa gaal, Ilaahay wax la wadaajiyey oo dhiigiisa iyo maalkiisuba xalaal yahay. Taasna waxaa ku tagay qaar ka mid ah Raafidada talax tagtay, kuwaas oo ummaddu isku raacday gaalnimadooda.

3) Ibraahin Hawd wuxuu kaloo sheegay in xadiisyada la qoray markii loollanka siyaasadeed iyo ka mad-habeed meeshii u xumayd marayeen arinkaasina waa been cad oo aan geed loogu soo gaban. Xadiisyada xiligii u horraysay ee la qoray waxay ahayd xilligii Nebi Muxamad SCW.

Abu-Hurayrah R.C wxuu yidhi: “Cid ka mid ah saxaabadii Nebi Muxamad SCW oo iga xadiis werin badani ma jirin, marka laga reebo Cabdullaahi binu Camar, sababtoo ah isagu waxbuu qori jiray anna waxba ma qori jirin.”

Abu-Hurayrah R.C wxuu yidhi: “Ilaahay markuu u furay Rasuulkiisa SCW Makka… waxaa istaagay Abuu-shaah –oo ah nin Yamani ah- wuxuuna yidhi: ii qora Rasuulkii Ilaahayaw. Rasuulkii SCW wuxuu yidhi: “u Qora Abii-shaah.”

Abuu Juxayfa wuxuu yidhi: waxaan ku idhi Cali binu Abii Daalib agtiina ma ahaaday kitaab? Markaasu yidhi: “Maya, Kitaabka Ilaahay mooyaane, ama fahan qof muslim ah la siiyey (fahan Quraan) ama waxa ku qoran warqaddan, wuxuu yidhi: waxaan ku idhi maxaa warqaddan ku qoran? Wuxuu yidhi: Magta iyo axkaamteeda, in la soo furto maxbuuska iyo inaan muslim loo dilin gaal.”

Xadiisyadan iyo kuwo kale oo la mid ah waxay daliil u yihiin in saxaabadii Nebi Muxamad SCW xadiisyada ay qori jireen, oo arinku aanu ahayn sida Ibraahin Hawd iyo ragga la mid ka ahi ay is moodsiinayaan, saxaabo kale oo warqado xadiisyo ugu qoran yihiina waa jireen sida: Jaabir binu Cabdillaahi. Xagga taabiciinta haddaynu ka eegno iyaga hadalkoodaba daa, badanaa inta lahaa warqado.

Abuu Raafic wuxuu Nebi Muxamad SCW ka soo weriyey in uu yidhi: “Yaanan helin midkiin oo ku dangiiga (fadhi) sariirtiisa, oo uu u imanayo amar aan amray, ama waxaan ka reebay kadibna uu yidhaahdo: garan mayno, waxaanu ka helno Kitaabka Ilaahay waanu raacaynaa.”

Shaykh Mubaarik-kafuuri wuxuu yidhi: xadiiskani wuxuu ku tusinayaa Nebinimada Nebi Muxamad SCW waayo wax maqan buu ka waramay sidii uu u sheegayna waa u dhacay, wuxuu sheegay oo kale: nin gobol Hindiya ka mid ah ka soo baxay oo sheegtay in uu Ahlul-Quraan yahay, wuxuu yidhi Shiikhu: maxaa isu soo arkay isaga iyo Quraanka waa dadka Ilxaadka ku sifaysan ugu danbantii Shaykhu wuxuu tilmaamay in culimadii waqigiisu ay gaalaysiiyeen.

4) Hadalka Hawd iyo xabbaadhiisa waxaa kale oo ka dhalanaya inay u aaminaan arimo badan oo sharcigu diiday inay xalaal yihiin sida bahala micida ku ugaadhsada oo ay ugu horreeyaan libaaxa, eyda, dawacada iwm. Dumarka laynoogu diiday sunnada inaynu guur ku kulmino sida: gabadh iyo eeddadeed, gabadh iyo habaryarteed, sidaa u socotaan guur baa ku kulminaysaan illayn Quraan ma sheegine. Markaa xadiisyadii diideen waxaa ka bixi doona caddayntii ribada iyo arimo badan oo ganacsiga la xidhiidha oo sunnada laynoogu diiday, xertani halkay u socdaan oo ay diinta ka qaadanayaan baan la yaabban ahay.

5) Ibraahin Hawd wuxuu weerar ku qaaday Saxiix Al Bukhaari iyo Saxiixa Muslim oo uu ku tilmaamay dacaayad

Ninkan Hawd waa nin u soo tafaxaytay in uu islaamka meesha ka saaro kutubta xadiiska kuwii saxiixa ahaa buu weerarayaa, Ibraahanaw Af Soomaaliga ayaad qortaa, cilmi adigoo aan diinta u lahayn ayaad waxaad doontid iska odhanaysaa. Culimada islaamku waxay isku raacday in Kitaabka Bukhaari iyo kan Muslim ay yihiin kutubta kuwa u sixida badan. Imaamu Nawawi wuxuu yidhi: culimada islaamka oo dhami waxay isku raaceen inay kutubta ugu saxiixsan yihiin Quraanka ka dibna labada Saxiix, Bukhaari iyo Muslim, ummadduna waxay kula kulantay aqbal.” Waa caalim ka mid ah culimada shaaficiyo kuwooda u cilmi badanaa, isna ma Wahaabi baad odhan doontaa.

6) Kutubta islaamka ee aad weerartay isku xilli lama qorin, waxaana qoray dad caddaalad iyo cilmi leh oo diintooda lagu kalsoon yahay tusaale ahaan Kitaabka Muwadda ee uu qoray Imaamu Maalik, waxa in badan uu soo warinayo waxa u dhaxeeya isaga iyo Saxaabigiii arkay Nebi Muxamad SCW qof kaliya oo lagu kalsoon yahay maxaad odhan lahayd? Bukhaari xadiisyada uu so wariyo qayb ka mid ah isaga iyo saxaabiga waxaa u dhaxeeya laba qof oo kaliya oo lagu kalsoon yahay?!

7) Xadiis ka saxiixa ah culimadu shuruud adag bay u dhigtay, oo aan laga helin warar badan oo aad intaa ku tiraabaysid oo aad buunbuunisid tusaale ahaan waxa ka mid ah: qofku in uu caadil yahay, xifdigiisu dhammaystiran yahay, kii ka sarreeyey ka maqlay iwm.

قال الإمام النووي: ” اتفق العلماء رحمهم الله على أن أصح الكتب بعد القرآن العزيز الصحيحان البخاري ومسلم وتلقتهما الامة بالقبول” المنهاج شرح صحيح مسلم

Gunaanad:

Markii aan u fiirsaday sida Ibraahin Hawd iyo qaar ka mid kuwa iska daba-socda ay u dhaqmayaan, waxaa ii caddaatay inay doonayaan inay diinta inagaga furaan shakki, in dhexdeena qudhunka ku faafiyaan sida sinada, halka qaarna aa aamisan yihiin in layska yareeyo dhasha, ama aan la guursan, weerarkan u danbeeyey ee Ibraahin Hawd soo qaaday, waa ku fashilmay, qalinlayda caafimaadka qabaana way ka digi doonaan baadida iyo gaalnimada uu dadka ugu yeedhayo, Ibraahin Hawd waa nin lumay, qaar baa moodaya in uu yahay Quraani laakiin Quraanka laftiisa horaan u arkay shaki uu galiyey .

Ibraahinaw waxaan idiinku yeedhayaa adiga iyo xertaada inaad toobad keentaan, diinta u soo noqotaan, khayrka iyo wanaagga baanu idin la jecelnahay haddaa diidaana islaamka iyo muslimiinta waxba yeeli maysaan ee nafihiina u tudha.

 W/Q: Sulaymaan Axmed Yuusuf Sugulle

Tell: 9449999 Email: alcabdali1@gmail.com

——————————————————————————————————–

Halkan Guji Oo Ka Eeg Qoraalka Ibraahin-Hawd

Comments are closed