|

Lix boqol oo Qof oo ka faa’ideystay Daaweyn lacag la’aan ah oo laga fuliyey Balli-calanle

Balli-calanle, 31 January, 2016-(SDN/QJ) :– Maxamed Saleebaan Cumar oo ah Musharrax u taagan Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee la qorsheeyay inay Sannadka dambe horaantiisa dalka ka dhacdo, ayaa dhakhaatiir Caafimaad oo si lacag la’aan ah Dadka u daaweynaya geeyay deegaanka Balli-calanle oo ka tirsan Gobolka Togdheer.
DSC04164Dhakhaatiirtan oo ka mid ah kuwa ka shaqeeya Magaalada Hargeysa, ayaa markii ay gaadheen deegaanka Balli-calanle, waxa si ballaadhan u soo dhaweeyay Dadweynaha halkaas ku dhaqan, iyaga oo safaf dhaadheer u galay Daaweynta ay sida Lacag la’aanta ugu sameeyeen Dhakhaatiirtaas oo sitay Daawooyinkoodiina.
Hawsha daaweynta oo socotay muddo dheer isla-markaana ay ka faa’ideysteen Haween, Carruur, Rag iyo dhallinyaro gaadhaya 600 oo Qof, ayaa ujeeddada looga dan leeyahay waxa sharraxay Musharrax Maxamed Saleebaan Cumar, waxaanu yidhi, “Dhakhaatiirtani waxay hore ugu koobnaayeen Hargeysa iyo tuulooyinka ku dhow, laakiin, anigu waxyaabaha aan Culayska saarayo waxa ka mid ah Caafimaadka, waayo? Haddaanu jirin bini-aadam nool oo Caafimaad qabaa ma jirto sabab Cod loo doonaaba, markaa waxaanu ka hawl-galeynaa in Xarumaha Caafimaadka ee degmada la aasaaso iyo in Shaqaalaha Caafimaadka la tababbaro.”
Musharraxa oo sii hadlaya, ayaa sheegay, “Arrinta (daaweynta bilaashka ah) Maaha mid ku saabsan Musharraxnimo iyo wax la mid ah, laakiin, anigu waxaan ahay Nin Dad jecel ee ma ihi Nin Ambaday. Arrintani ma noqonayso tii koowaad ee Maanta waa Caafimaad, berri waa Biyo, ta ku xigtana waa Waxbarasho, waayo? Aniga waxaygu waa waxqabad, aynu soo baxno ama yeynaa soo bixin Doorashada.”
Dr. Maxamed Muuse oo ka mid ah Dhakhaatiirta daaweynta bilaashka ah sameeyay, ayaa isaguna Dadweynaha la hadlay, ayaa sheegay, “Inaanu Balli-calanle nimaadno waxa nagu dhiiri-geliyey Musharraxa oo noo sheegay baahida Caafimaad ee Balli-calanle ka jirta. Waxaanu jeclaan lahayn in Musharraxa lagu deydo, marka siyaasadda sida wanaagsan looga faa’ideysanayo waa sidan oo kale.”
Dadweynaha Balli-calanle qaarkood oo halkaas ka hadlay, ayaa ka Mahad sheegtay Dhakhaatiirta iyo Musharrax Maxamed Saleebaan Cumar.

Comments are closed