|

Gudida Daba Galka Xasuuqa oo Daahfuray Xabaal Wadareed Cusub oo Degmada Arabsiyo laga helay DAAWO

Arabsiyo 28. January, 2016-(SDN/QJ):- Guddida Baadhista Xasuuqa Somaliland oo kaashanaya Hay’adda Caalamiga ah ee Epof ayaa daahfuray Xabaal wadareed ay ku aasan yihiin dad Rayid ah oo taliskii Siyaad barre ku Xasuuqay Degmadda Arabsiyo,dabayaaqadii Sannadihii Sideetankii.

Waxa xabaal wadareedan la soo saaray goob joog ka ahaa  Guddoomiyaha Guddida baadhista xasuuqa  Jamhuuriyadda Somaliland,  Khadar Axmed Like, Guddoomiyaha degmada Arabsiyo iyo  qaraabadii dadkii halkaas lagu laayay.

“Waxaanu doonaynaa haddii ILAAHAY  yidhaahdo soo saarno  xabaal wadareedan  ku taalla magaalada Arabsiyo, xabaashan oo ah kuwii loo aanaynayay ee  uu geystay taliskii Maxamad Siyaad Barre  ee joogi jirey gobolka Gabilay, oo imika dacwadeedii taagan tahay ninka la yidhaahdo Yuusuf Cabdi Cali (Tuke),  waxaanu  doonaynaa in imika la soo saaro oo markhaati looga dhigo lafihii uu isagu meesha ku duugaay,’’ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida baadhista xasuuqa Khadar Axmed Like, oo warbaahinta kula hadlay xabaashaas dusheeda.

Gudoomiyaha degmada Arabsiyo  Mr.  Cabdilaahi Cabdi Faarax  oo isaguna madashaas ka hadlay  ayaa ka  warbixiyay dadkan ku aasan xabaal wadareedkan waxaanu yidhi “Dadkan waxa xasuuqay taliskii dhiigyo-cabka ahaa ee Soomaaliya,dadkaasina waxaa ay ahaayeen dad aan dambi galin oo maato ah oo reer miyi ahaa,waxaanay ku wada jiraan goob qudha waxaana goobtan oo kaliya lagu aasay  9 qof. 7 gelinkii hore ayaa lagu toogtay meesha iyaga oo aan dambi galin. labana galinkii dambe ayaa lagu xidhay, iyaga oo ka laalada tiirarkii lagu xidhay maydkoodii ayaa gelinkii dambe saddex qof lagu soo dul xidhay, oo iyaguna shiciba, hal qof waala sii daayay oo xadhiga laga jarey sidaasaanu ku waashay , labadii kalana halkii ayaa lagu toogtay, maantana waxaa halkan goob joog inagala ah eheliyadii dadkaa.’’

Dad ku hadlayay magaca eheladii dadkii xabaashan lagu aasay oo iyaguna madashaas ka hadlay ayaa sheegay in sabab la’aan lagu xasuuqay dadkan oo ahaa kuwo rayid ah oo aan hubaysnayn isla markaana wax dagaal ah oo ay ku jireen aanay jirin.

Comments are closed