Daacish oo soo bandhigtay Sawiro laga qaaday Jihadi John kahor inta aan la dilin (Daawo Sawirada)
London 27. January, 2016-(SDN/QJ) :– Kooxda Daacish ayaa markii ugu horeesay soo bandhigtay Muuqaalka rasmiga ah ee Mohammed Emwazi oo loo yaqaanay Jihadi John, kaa oo 12 kii bishii November lagu dilay Duqeyn ay dalka Siiriya ka fuliyeen diyaaradaha Dagaalka Mareykanka.
Jihadi John oo 27-sano jir ahaa ayaa asal ahaan kasoo jeeda dalka Kuwait, hasa ahaatee waxa uu kusoo bar baaray dalka Britain, waxa uuna ninkan ugu dambeyn ka baxsaday dalka Britain sanadii 2012-kii isaga oo xubin muhiim ah ka noqday Kooxda Daacish.
Ninkan ayaa Kooxda Daacish waxa uu u qaabilsanaa qoyr goynta dadka ajaaniibta ah, waxa uuna ninkan muuqaalo kasoo muuqday isaga oo wajiga qarsaday qoortana ka jaraya muwaadiniin Reer Galbeed iyo kuwa Mareykanka kasoo jeeda.
Daacish ayaa baahisay Sawirada Jihadi John oo wata qoray AK-47 sidoo kale deestay gar weyn, waxaana ninkan in mudo ah ku daba jiray sirdoonada Reer Galbeedka iyo kuwa Mareykanka iyagoona ugu dambeyn Diyaaradaha dagaalka Mareykanak ay duqeyn ku dileen Jihadi John