Baaqa Qaylodhaanta Abaarta Ee Labadda Gudoomiye ee Kulmiye Iyo Waddani
Hargaysa 27. January, 2016-(SDN/QJ) :– Gudoomiyayaasha xisbiyadda Waddani iyo Kulmiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi ayaa ka hadlay tabaalaha abaarta deegaanada dalka qaarkood ka jirta, isla markaana waxay labadooduba ku baaqeen in loo gurmado dadka iyo xoolaha abaartu hayso.
Gudoomiyaha golaha Wakiiladda ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa baaq ka diray xaaladda abaarta, waxaanuu yidhi; “deegaanadda dalkeenna qaybo badan oo ka mid ah waxa ka jirta abaar bari iyo galbeedba, sidaa darteed marka u horaysa waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu inaga jebiyo abaarta oo raxmad khayr qabta ina siiyo. Intaa ka sokow waxaan ku baaqayaa in laysu geeyo muruqa oo loo gurmado dadkeenna tabaalaysan. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa dawladda, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka somlilandba inaynu isugu tagno si aynu inagu gudaheenna umad ahaan isu caawino. Sidaa si la mid ah waxaan beesha caalamka iyo hay,adaha gargaarka ugu baaqayaa inay gacan ka gaystaan gurmadka iyo taakuladda abaaraha.”
Dhanka kale Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa sheegay in ay dalka ka jirto abaar ba,an oo saamaysay qaybo ka mid ah bulshada Somaliland. “Dalka abaar ba,an baa ka jirta. Tii 1974kii goboladda bariga dadka lagaga raray iyo tii 1928kii Baaha oo kale marka taariikhda la eego abaar ka wayn baa jirta, oo biyo iyo baad aan lagu hayn meelna, xoolihiina way dhimanayaan, waxaynu u baahanahay inayu awoodda isu gayno oo aynu gurmad u helo.”