|

Soomaali Si Arxan Darro Ah Loogu Dilay Dalka Koonfur Afrika

wiil

Sawirka Wiilka Soomaaliyeed Ee La Dilay (AHUN)

Ceptown,24jan,2016(QJ/SDN)-Wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Caydiid ayaa si arxan darro ah loogu dilay magaalada Ceptown ee dalka Koonfur Afrika, iyadoona sawirrada wiilkan Soomaaliga ah si weyn loogu baahiyay baraha bulshadu ay ku wada xidhiidho ee internetka.

Dadka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa aad uga xumaaday sawirro laga soo qaaday wiilka Soomaaliyeed ee sida arxan darrada ah loogu dilay magaalada Ceptown ee dalka Koonfur Afrika, iyagoona si wayn u canbaareeyay falkan foosha xun ee lagula kacay muwaadinka Soomaaliyeed.

Koonfur Afrika ayaa ka mid ah wadamada sida aadka ah loogu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ee dalkooda dibadaha kaga maqan, iyadoona dalka koonfur afrika uu yahay kan ugu xun marka loo eego dalalka kale ee Soomaalidu caalamka kaga nooshahay.

Haddaba, dhacdadan ayaa noqoysa mid si wayn uga cadhaysiisa bulshada soomaaliyeed iyadoona intii muddo ahaydba laga nastay wararkii aadka u naxdinta badnaa ee laga soo sheegi jiray Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika

Halkan Guji oo ka Eeg Sawirro Facebook-ga lagu baahiyay

Comments are closed