Kenya: Suxufi baahiyay Sawirrada Weerarkii Ceel-cadde Oo Xabsiga Loo Taxaabay
Nairobi,24jan,2016(QJ/SDN)-Boliska Kenya waxay xalay Xabsiga dhigeen Saxafiga lagu magacaabo Yaasiin Jumca oo ka mid ah Suxufiyiinta ugu caansan dalka Kenya.
Telefishinka Citizen ayaa baahiyey in Suxufiga Yaasiin Jumca uu ku xidhan yahay Saldhigga Boliska ee Muthaiga ee magaalladda Nairobi, iyadoo la filayo in berrito la soo maxkamadeeyo.
Yaasiin Jumca oo horey uga hawlgeli jirey Telefishinka NTV ayaa lagu eedeynayaa inuu Toddobaadkii hore Websaytkiisa ku qoray Maqaalo uu kaga hadlay Weerarkii Alshabaab ay bishan 15-dii ku qaadeen Saldhigga Ceel-cadde ee Gobalka Gedo, oo lagu dilay, laguna dhaawacay Askar Kenyan aad u badan.
Dhinaca kale, wax yar kadib, markii uu soo baxay warka ku aadan in la xidhay Saxafiga Yaasiin Jumca waxaa Warbaahinta Bulshadda ee Social Media harqiyey Baaqyo ku aadan in la soo daayo, iyadoo la isticmaalayo Hal-ku-dhegga #FreeYassinJuma
Isticmaalayaasha Warbaahinta Bulshadda ee Social Media waxay ku baaqeen in si degdeg ah loo sii daayo Saxafiga Yaasiin Jumca.
Wasiirka Arrimha Gudaha ee Kenya, Joseph Ole oo hadlay hal maalin kadib, Weerarkii Ceel-cadde waxa uu uga digay Dadka Reer Kenya inaysan Warbaahinta Bulshadda ku faafin karin Sawirradda iyo Farriimaha ku saabsan Weerarkii Ceel-cadde.
Wasiirka oo ah Jeneral Hawlgab ah waxa uu sheegay in baahinta Sawiradaasi tahay arrin lagu kalkaalayo Ajendaha Alshabaab, waa sida uu hadalka u yidhi, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dadkalagu helo iyagoo Sawirradda Ceel-cadde ku wadaagayo Baraha Bulshadda (Social Media) in la xidhi doono, lana soo taagi doono Maxkamad.