Maraykanka oo Dabaylaha Barafka wata ee ka da’ayaa ay Sababeen Khasaare Nafeed
Washington 24,Jan 2016 (SDN/QJ):- 18 qof ayaa ku dhintey ilaa hadda inta la ogyahay Barafka dabaylaha wata ee ku dhuftay Gobolada bariga dalka Maraykanka tiro badan oo kalena waxa soo gaadhay dhaawacyo ka dib markii ay la gedoomeen Gawaadhidii ay wateen.
Sideed iyo tobanka Gobolka ee Bariga dfalka mareykanka ayaa lagu soo rogey xaalad deg deg ah iyo la joojiyey dhamaan Gaadiidka dhulka iyo Cirkaba,taasoo lagu soo waramayo in barafku uu dhulka ka sareeyo ilaa hal mitir.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in malaayiin qof ay Korontadu ka go’day,iyada oo cabsi xoogan laga qabo in Barafkaasi markuu dhalaalo in ay ka dhashaan daad xoogani.