Taariikhdii Abwaan Cali Sugule Cigaal Dun Carbeed oo Barnaamijka Isir Raaca Af Somaligu soo bandhigay Sababihii Siyaad Barre ku Xidhay Hal abuurkaas DAAWO
London 25 January, 2016-(SDN/QJ) :– Alle naxariistiisii Janno ha ugu deeqee Marxuun Cali Sugulle Cigaal oo Ku Magac dheeraa “Dun Carbeed” Wuxuu ka mid ahaa Foolaadkii Fanka Somalida Wuxuu ka tegay Dhaxal aan duugoobayn oo ah Kaydka uu ah Ummada ku Hadasha Luuqadda Somaliga Meel kasta oo ay Dunnida dacaladeedda kaga Sugan Yihiin Wuxuu ahaa Maansooyinkii Ugu cudoonaa ee Murti hidiyeedka Somalida Meerisyo badan ka sameeyay.
Hadaba Barnaamijka Isir raaca Af somaliga oo ka baxa Telefishanka Kalsan Tv ayaa soo bandhigay Weji kale oo uu Marxuun Cali Sugulle lahaa Iyo Xili uu Taliskii Siyaad barre Xabsi ku riday.
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Somaliland Dr Maxamed Yaasiin Xasan oo ay Marxuun Cali Sugulle Cigaal Dun-carbeed Xabsi ku wada jireen Sannadihii Sideetameeyadii Xiligaas oo Abwaankan aynu ka hadlayno loo Xidhay Gabay Garnaqsi ah oo uu ka dul tiriyey Xabaashii alle naxariistiisa Jano ha ugu Deeqee Muuse Xaaji Ismaaciil “Muuse Galaal” oo ka mid ahaa Bud dhigayaashii u hawl galay Qorista Afka Somaliga.