Xukuumadda oo la sheegay inay Sarriflayaashii ka shaqeeyay Hargaysa u Mag-dhabayso Khasaarihii ka soo gaadhay Qiimo dhaca Dollarka & Dul-saarkii ay Heli Jireen Iyo Qiimaha Raashinku Intuu Suuqyadda ka Marayo
Hargeysa, 25 January, 2016-(SDN/QJ) :– Ka dib, go’aan Xukuumaddu ka soo saartay la isticmaalo Shilinka Somaliland, ayaa waxa aad hoos ugu dhacay Qiimaha Sarrifka Lacagta doollarka ah, marka lagu beddelayo Shilinka Somaliland.
Boqolka Doollar ee Maraykanka ah oo Khamiistii Toddobaadkii hore Suuqyada Hargeysa lagu kala sarrifanayey inta u dhaxeysa (Toddoba boqol iyo Sagaashan kun iyo Siddeed boqol oo kun), ayaa Habeennimadii Jimacaha hoos ugu soo dhacay (Lix boqol iyo koton kun).
Qiimaha dhaca ku yimid Lacagta Doollarka, ayaan illaa hadda si rasmiya ah loo ogeyn, inkasta oo la filayo inay sabab u tahay Meheradaha Ganacsiga badankooda oo ku dhaqmay amar Xukuumaddu ka soo baxay oo ahaa inay adeegsadaan Shilinka Somaliland, amarkaas oo ay deba socotay Hanjabaad ah in Ciddii ku isticmaali wayda tallaabo adag oo sharciya laga qaadi doono.
Xukuumadda Somaliland oo Muddooyinkii u dambeeyay waday dedaalo kor loogu qaadayo Qiimaha Shilinka Somaliland isla-markaana lagula dagaalamayo kor u kaca Qiimaha Doollarka, ayaan la ogeyn inay lacag hoos u dhigaysa Sarrifka Dollarka Suuqyada ku siidaysay iyo in kale. Walow, ilo-wareedyo u dhuun daloolla kulamada Xukuumaddu la yeelatay Sarriflayaashu sheegeen in Xukuumaddu ka dalbatay Sarriflayaasha inay Qiimaha Sarrifka Dollarka hoos u dhigaan isla-markaana ku hayaan inta uu hadda yahay, taas beddelkeedana ay Xukuumadda bixisay wixii khasaare ah ee hoos u dhaca Qiimaha dollarka ka soo gaadhi lahaa Sarriflayaasha iyo Dul-saarkii ay sida Maalin laha ah uga heli jireen, taasina tahay Waddada loo raacay hoos u dhaca sida deg-degga ah ugu yimid Qiimihii Lacagata Dollarka.
Hasa-ahaatee, hoos u dhaca ku yimid Qiimaha Sarrifka Dollarka, ayaan waxba ka beddelin Qiimaha Ascaarta daruuriga ah.
Wargeyska Himilo, ayaa baadhitaan uu sameeyay ku ogaaday in hoos u dhaca ku yimid Lacagta Dollarku aanu waxba ka beddelin Qiimihii hore loogu iibinayey Raashinka, sida Bariiska, Sonkorta, Daqiiqda iyo Saliidda iyo Waxyaabaha kale ee Daruuriga ah.
Suuqyada Hargeysa, ayaa waxa Kiishka Sonkorta ah ee 50KG ah la kala siisanayaa $ 28 dollar, Kiishka Bariiska ah ee 50KG ayaa la kala siisanayaa $ 27 dollar ilaa 25 dollar. Kiishka Daqiiqda ah ee 50KG ah, ayaa la kala siisanayaa $ 26. Kartoonka Baastada ah, ayaa lagu iibinayaa $ 11.5 ama $ 11.8 doollar, halka Jirikaanka Saliidda ah ee ee 20 litir ah lagu iibinayo $ 17 doollar.
Dhanka kale, Huteellada laga Cuno Cuntada Bisil, ayaa qaarkood haddii ay Qureecda oo kale siin jireen $ 2.5 doolar, waxay ku kordhiyeen Nus dollar, taas oo macnaheedu yahay inaan waxba iska beddelin Qiimihii hore.
Qiimaha dhaca ku yimid Sarrifka Lacagta Dollarka, ayaan Nolosha Dadweynaha waxba ka beddelayn, maaddaama aanu weli saameyn ku yeelan Qiimaha lagu iibiyo Raashinka iyo Waxyaabaha kale ee Daruuriga ah.