Sarrifka Doollar-ka Oo Gaadhay Halkii Ugu Hooseysay Abid,Qiimihii Maceeshadda oo aanay Waxba iska bedelin Ganacsatadda Iyo Dadweynaha oo Si kala Fog uga hadlay DAAWO
Garowe 25 January, 2016-(SDN/QJ) :– Qiimaha sarrifka lacagta Doolar-ka, ayaa markii u horreeyey gaadhay halkii ugu hoosaysay, iyada oo fartii caanomaal ee u dembeeyey.
Hoos u dhacan ayaa tan iyo dhawrkii sanno ee la soo dhaafay noqdii markii ugu horeysay ee uu halkaa gaadho ka dib markii Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay Khamiistii lasoo dhaafay daboolka ka qaaday inay go’aansatay inaanu dhaafin sarifka halka doolar (6000) lix kun oo shilin. Waxa shalay iyo dorraad lagu kala sarifanayay halka doolar, lix kun oo shilin suuqyadda Magaaladda Hargeysa, halka uu Maalmihii la soo dhaafay sii cago-cagaynayay 8000 Sl sh ah.
Waxa kale oo Ganacsatadu shalay-ba ay bilaabeen inay macaamiishooda qiimaha badeecadaha kala duwan ugu sheegaan shilinka Somaliland, halkii ay markii hore wax walba ku qiimayn jireen doolar.
Go’aanka madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dadweynuhu uga dareen celiyeen si togan, waxaanay sheegeen inay u riyaaqeen balse loo baahan yahay in la joogteeyo oo ay noqoto siyaasad qaran oo sii jirta waligeed.
Geesta kalena, Ganacsatada ku dhaqan magaaladda Hargeysa ayaa soo dhaweeyay kor u kaca shilinka Somaliland iyo sidoo kalena hoos u dhac ku yimid lacagta doolarka, iyadoo suuqyadda lacagaha la sheegay in uu hoos u dhacay safarika doollarku.
Guddoomiyaha suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa Cabdifataax Maxamed Muxumed, oo la hadlay warbaahinta qaranka waxa uu sheegay in uu xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku hambalyeynayo sida ay wax uga qabatay sixir-bararka. “Waxaanu ku hambalyeynaynaa xukuumadda Somaliland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wax-qabadka muga iyo miisaanka leh ee ay waddanka ka qabatay waxa aanu ku hambalyeynaynaa madaxweynaha sixirka doolarka iyo maceeshadda uu hoos u dhigay, taas oo suuqyada dalka doolarkii hoos u dhacay aad baan ugu amaanaynaa madaxweynaha. Waxa kale oo madaxweynaha ku hambalyaynayaa khudbad sannadeedkii uu ka jeediyay golaha baarlamaanka oo ahayd mid meel walba taabanaysa waxaana aanu garab istaagaynaa waxqabadka xukuumadda dalkuna waxa uu marayaa meel aad u fuiican,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Suuqa Waaheen.
Mr. Cabdifataax waxa uu u soo jeediyay hogaamiyeyaasha qaarada Afrika inay ku deydaan madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi “Waa madaxweyne aan odhan karo waa in qaaradda Afrika oo dhami ku dayato ayaa mudan waayo waa madaxweynaha mar qudha u tartamay xukunka dalka inuu isku soo taago ee yidhi waxa aan u baneeyay umaddadayda.”
Geesta kale Qaybaha Bulshada ayaa sheegaya in Hoos u dhacan ku Yimid Qiimaha dollarku aanu Wax weyn ka bedelin Maceeshadii daruuriga ahayd Iyadoo Ganacsato badani aanay Weli u hogaansamin awaamiirtii Xukuumadda ee Hoos u dhigida Maceeshadda Maadaama uu Jabay Qiimihii dollarku,Waxaana isha lagu hayaa sida ay arintani u dhaqan gasho sadexda cisho ee fooda inagu soo haya,Taas oo hadii qiimaha maceeshadu jabi waayo ay ka dhigan tahay in aanay waxba iska bedelin hoos u dhaca ku yimid dollarka oo inta badan ah Lacagta lagu sarjaro shay kasta oo Suuqyada dalka yaala.