“Xaqa Codeynta doorashada ma yeelan doono Qofka laba jeer is-diiwaangeliya, waxaanu mutaysan doonaa…” Komiishanka Doorashooyinka Qaranka
Burco 25 January, 2016 (SDN/QJ):- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay nabadgelyo ku soo dhamaatay wejigii koowaad ee is-diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo muddo todobba maalmood ka socotay deegaanada ka baxsan Degmada Burco, isla markaana ka bilaabi doonaan wejiga labaad oo muddo 14 maalmood soconaya magaalada Burco.
Mr. Maxamed Jaamac Maxamed oo ka tirsan Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo ka hadlayey kulan ay goobjoog ka ahaayeen madaxda saddexda xisbi iyo hawlwadeenada komiishanka oo lagu qabtay xaruntooda Burco ayaa sheegay inay qaab nabadgelyo ku soo wada noqdeen dhamaan shaqaalahii iyo agabkii diiwaangelinta Codbixiyeyaashu, waxaanu yidhi,
“Hawl-wadeenadii diiwaangelinta, qalabkii iyo gaadiidkii oo nabad-qaba ayaa na soo gaadhay, waa Ilaahay mahadii. Si guuli ku jirto, ee qorshahu ahaa ayey ku soo dhamaadeen, shaqaalahii ka hawlgalay mahad balaadhan ayaan u soo jeedinayaa.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey.
“Wejiga labaad qorshahu waa inay 14 maalmood xawli ah ka socoto magaalada Burco oo 25 goobood ka bilaabmi doonto, si xawli ah.”
Mr. Cabdiraxmaan Cismaan Adan oo Komiishanka Doorashooyinka ka tirsan ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan dadweyne laba jeer is-diiwaangeliyey oo waraaqahoodii ay hayaan, isla markaana codadkoodii yihiin qaar ka khasaaray gobolka Burco, isla markaana ugu baaqay inay bulshada gobolka Togdheer iyo guud ahaan shacabka Somaliland ka digtoonaadaan inay laba jeer is-diiwaangeliyaan, waxaanu yidhi,
“Waxaan doonayaa inaan dadweynaha gobolka Togdheer iyo guud ahaan shacabka Somaliland xusuusiyo in dadweyne kooban isku dayeen inay laba jeer is-diiwaangeliyaan, waraaqahoodiina waanu haynaa, waan ka xun-nahay codkaa qofku khasaariyey oo ah mid naftiisa gobolka, iyo qarankaba ka go’an. Waxaan ka digaynaa mudadda hadhay inay dadku isku deyaan inay mar wax ka badan is-diiwaangeliyaan. Deegaanada xuduudaha oo weli diiwaangelintii ka socoto bulshadu haka faa’iidaystaan.”
Dhinaca kale, wargeyska Himilo oo khadka telefoonka kula xidhiidhay isagoo jooga magaalada Burco, Mr. Cabdiraxmaan Cismaan Adan, isla markaana wax ka weydiiyey tirade dadka laba heer is-diiwaangeliyey ee ay hayaan, iyo waxa sharcigu ka qabo, ayaa ku jawaabay,
“Weli way socotaa is-diiwaangelintii codbixiyeyaashu, markaa natiijada waxaanu shaacin doonaa marka diiwaangelinta codbixiyeyaashu ka dhamaato gobolka Togdheer, sidoo kale qof kastoo mar waxii ka badan is-diiwaangeliya ee seerfarku soo saaro, ma yeelan doono xaqa codeynta doorashada, qofkii laba jeer is-diiwaangeliya, waxaanu mutaysan doonaa xadhig, sida sharcigu dhigayo.”
Kulankan oo sidoo kale madaxda saddexda xisbi Qaran ka hadleen ayaa dhamaantood soo dhoweyeey qaabka uu ku soo dhamaaday wejiga koowaad ee is-diiwaangelinta codbixiyeyaashu, uguna baaqay bulshada gobolka Togdheer iyo guud ahaan shacabka Somaliland inay u diyaargaroobaan sidii ay diiwaangelinta uga qeyb-qaadan lahaayeen.