|

Kenya Oo Duqeymo Aan Loo Aabo Yeelin Ka Gaysatay deegaanno Hoos taga Gobolka Gedo

kenya

Muqdisho,23Jan,2016(QJ/SDN)-Dowladda Kenya, ayaa waxaad mooddaa inay markaan ballaadhisay duqeymaha ay ka wado Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, iyadoona maanta garaacday Gobolka Baay.

Diyaaradaha Kenya, ayaa waxay maanta garaaceen deegaano hoos-tagga Degmada Diinsoor, xilli deegaanadaasi aanay ku sugnayn dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka Kenya, ayaa garaacay deegaanada Raaxoole iyo Qod-qod oo dhaca duleedyada Degmadaasi Diinsoor. Afar gantaal ayaa la xaqiijiyay inay ku dhacday Raaxoole, halka sideed kalana ay ku dhacday Qod-qod.

Abshir Macalin Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Arrimaha Bulshada Degmada Diinsoor, oo ka hadlay duqeymahan, ayaa faah faahin ka bixiyay goobaha ay garaaceen diyaaradaha dagaalka Kenya.

Abshir oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa yidhi “Barqanimadii maanta diyaaradahaan waxan afar gantaal ku dhufteen deegaanka Raaxoole, sideed gantaal oo kalana waxay Duhurkii ku dhufteen deegaanka Qod-qod.”

Waxa uu intaa ku daray “Meelaha la weeraray ma jooggaan nimankii nabadiidka ahaa, waa goobo ay dadka rayidka ah degan yihiin. Waan baareynaa wixii khasaaro ah ee ka dhashay duqeymaha.”

Duqeymah Kenya ay ka wado Gobolada Koonfurta Somaliya, ayaa waxaad arkeysaa inay waxyeelo ka soo gaadheyso dadka rayidka ah, tiiyoo aanay ka hadli karin Madaxda Dowladda Federaalka Somaliya, waxaase layaab leh inay cambaarayn dusha kaga tuuraan, marka ay Shabaabku waxyeelo u gaystaan dadka reer Kenya.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Dadka Deegaanka oo ka Cabanaya Duqaymaha kenya

Comments are closed