|

Maxkamad Ku Taalla Dalka Kenya Oo Nin Waalan Ku Xukuntay Xabsi 10 Sanno Ah

maxkamadNairobi,23jan,2016(QJ/SDN)-Maxkamada danbiyada dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa riday xukun xabsi 10 sano ah.

Maxkamada ayaa xukunkaasi ku riday muwaadin dalkaasi u dhashay kaasi oo waalan, balse Booliska dalka Kenya ugu faanay inuu ka tirsan yahay Ururka Alshabaab.

Ninkaani waalan ayaa waxa uu Booliska u sheegay in la odhan jiray Isaac Lekishon Taruru, balse markii uu la kulmay Saraakiisha Alshabaab ee ku sugan magaalo xeebeedka Mombassa ay u bixiyeen Maxamed, waxa uuna xukunkaani dhakafaar ku noqday shacabka Kenya oo la yaabay hubsasho la’aanta Maxkamada oo iyadu gaadhay heer dadka waalan ay xukun ku rido.

Isaac Lekishon Taruru ayaa qabashadiisii waxyar un ka hor maagay Ciidamo Boolis ah oo wadada maraayay waxa uuna u sheegay inuu yahay Alshabaab oo aanay jirin cid xidhi karta ama qabankarta waxaana sidaa lagu geeyay Xabsiga isaga oo hubsasho la’aan lagu xakumay 10sano oo xabsi ah.

Isaac Lekishon Taruru waxaa uu Saraakiisha Booliska u sheegay inay jiraan dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab oo ku sugan Magaalada Narok, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu farta ku fiiqo.

Maxkamadda, ayaa 10 sano oo xadhig ah ku riday ninkaasi, balse waxay Maxkamaddu sheegtay in muddo laba toddobaad ah uu racfaan kaga qaadan karo xukunkaasi.

Ugu danbeyntii, Saraakiisha Booliska Nairobi ee waaxdooda la dagaalanka argagaxisada, ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in ninkaasi uu dib ka beeniyay warbixintii, uu markii hore siiyay siiyay Booliska Narok.

Qurbejoog.Com

Hargeysa,Somaliland

Comments are closed