|

“Meelaha Qaar Kama Jiraan Goobo La Iska Diiwaangeliyaa…….” Gudoomiye C.raxmaan Cirro

Burco 24,Jan 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo hoggaaminaya wefti uu ku marayo goboladda beriga oo lagu magacdaray Samawadde, ayaa ka warbixiyay safarkiisa iyo ujeedada uu daaran yahay, Isla markaana wuxuu sheegay in meelaha qaar aanay ka jirin goobo la iska diiwaangeliyo.

Sidoo kale meelaha qaar looga guuray abaaro oo dadku ay ka cabanayeen in diiwaangelinta la joojiyo, maadaama ay dalka ka jiro abaar.

Gudoomiye Cirro wuxuu sidaa u sheegay Telefishinka Star Tv, waxaanu yidhi “Safarkaasi mid khayr qaba ayuu ahaa, magacanaa samadda ayaa laga soo bixiyay. Waxaanu ka bilownay magaaladda Burco caasimadda Togdheer, waxaanu halka ka sii raacnay laamiga dheer. Qoryaale ayaanu u leexanay, magaalooyinka halka ku yaalla Warcimraan, Balli-dhiig waddada dheer ayaanu marnay. Dhammaan magaalooyinka ku yaalla, Shansha-cadde waanu marnay oo dhamaantood magaalooyinka waanu marnay, waxaanu ku soo wareegnay xuduuda uu dhexeeya dalkeen iyo dalka Itoobiya, oo ujeedaduna ahayd in aanu u kuurgallo oo aanu xogxogaal u noqonno diiwaangelintu siday uga socoto. Shacbiga dhamaantii si diiran oo laab furan oo kalgacal ku jiro ayay noo soo dhaweeyeen iyagoon u kala hadhin rag iyo dumar iyagoon u kala bixin beri iyo galbeed dhammaantood waxa ka muuqatay midnimo, waxa ka muuqatay dhamaatood siday isku diiwaangelin lahaayeen, waxa dhammaantood dhulka aanu soo marnay ka muuqatay in xisbiga rejo badan ka qabaan oo ay waddani taageersan yihiin.”Ayuu yidhi Gudoomiye Cirro, waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Waxay ka cabanayeen goobaha oo magaalooyin badan oo aanu marnay may lahayn meel la iska diiwaangeliyo, waxay ka cabanayeen iyaga oo ay abaaro jiraan oo ay ku adagtahay in diiwaangelinta laga sameeyo oo dadkii hawd ku maqan yahay, waxaanu soo marnay magaalooyin dhan iyo deegaano dhan oo laga guuray abaarta awgeed, waxay jeclayeen in abaarta loo joojiyo oo diiwaangelinta la bilaabin.”ayuu yidhi Gudoomiye Cirro

Comments are closed