Maayarka Iyo Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Dad iyo Xoolo Farabadan Oo Ku Dhibaataysan Deegaano Waqooyiga Hargeysa Ah
Hargeysa 24,Jan 2016 (SDN/QJ):- Maayarka iyo Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa qaylo-dhaan ka soo saaray dad xoolo-dhaqato ah iyo xoolahoodii oo dhibaato ku haysato deegaano ka tirsan waqooyiga Hargeysa, kuwaas oo ugu baaqay ganacsatada iyo bulshada kaleba in gurmad degdeg ah lala gaadho.
Dadkan xoolo-dhaqatada ah iyo xoolahoodii ayaa wakhtiyada jiillaalka xoolahooda u dhaadhicin jiray deegaanada xeebaha ee waqooyiga halkaas oo wakhtiyadii hore xooluhu ka heli jireen daaq iyo qadhaab, balse abaaro xilliyadii u dambeeyay deegaanadaas ku habsaday darteed ay wakhtigan ay la kulmeen abaaro iyo haraad farabadan oo keenay in dad iyo xoolo-ba u dhintaan, hase yeeshee roob yar oo teel-teel ah oo ka da’ay halkaas ay sannadkan ka bateen xoolaha u dhaadhacay halkaas daruurtaas yar ee da’day, taasi ay keentay inay dib uga soo hayaamaan, balse d xoolo kumanaan kun ah iyo dadkii waddayba la socon kari waayeen gaajo.
Waxaanay wararku sheegayaan in wakhtigan oo ay xoolo-dhaqatadaasi oo dib u soo celiyay Xoolahoodii ay taag-darro awgeed xoolihii tahli kari waayeen socod, isla markaana dadkii xoolo-dhaqatada ahaana uu ka go’ay raashinkii, wakhtigana ay dhinacna u soo dhaafi kari waayeen deegaanada ku dhereran Bildhaaley iyo deegaanada kale ee Dawga hoostiisa.
Sidaas darteed, waxay golaha deegaanka Hargeysa oo uu hoggaaminayo Maayarka Caasimaddu ugu baaqeen Ganacsatada, Xukuumadda iyo dadweynaha reer Hargeysaba in si degdeg ah loogu gurmado dadka iyo xoolahaas, isla markaana lala gaadho raashin iyo biyo, kuwaas oo haddii si degdeg ah loogu gurman waayo halis ugu jira inay gaajo iyo haraad u dhintaan.
Waxay ahayd dhawr bilood ka hor markii dad iyo xoolaba haraad ugu dhinteen deegaanadan waqooyiga Hargeysa ee ay ka midka yihiin Cabdi Geedi.