Askarta Naaxda Ee Booliska Ingiriiska Oo Mushaharka La Dhimayo
London 24,Jan 2016 (SDN/QJ):- Taliska guud ee booliska dalka Ingiriiska ayaa Askarta Naaxda ama saraakiisha buur buuran ee ciidamadooda u diray, warqado lagula socodsiinayo in haddii ay baruurta iska ridi waayaan muddo lix bilood ah mushaharkooda badh laga goyn doono, si qasab loogaga dhigo in ay ka hawl galaan sidii ay baruurta isaga ridi lahaayeen.
Sida uu ku waramay telefishan u gaar ah booliska dalkaasi waxa ay talaabadani ka dhalatay ka dib markii sahamin la sameeyay, shaaca ka qaaday in boqolkiiba 64% ka mid ah booliska dalkaasi shilays dhaaf noqdeen, ka dibna la isla gartay si ay jiilanaanta jidhkooda uga hawl galaan in lagula xisaabtamo oo ilaa mushaharkooda la gaadhsiiyo hanjabaada.
Saraakiishan ayaa loo sheegay sida telefishanku ku waramay in heerka dhimista mishaharku gaadhi doonto heerka ugu sareeya, waxaanu faalo uu telefishanku ka bixiyay xusay in ay gaadhi doonto ilaa sadex kun oo bown in laga dhimo, taas oo ah lacag u dhiganta afar kun iyo laba boqol oo doolar.
Sahamin la sameeyay sanadkan oo lagu baadhay shan iyo toban kun oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee booliska, ayaa shaaca ka qaaday in boqolkiiba lixdan ka mid ahi shilays dhaaf awgii ay hawl gab noqon karaan, halka afar boqolkiiba ka mid ahna ay ku soo fool leedahay baruur iyo hilib xad dhaaf ahi.
Amarkan booliska ee lagu xoojinayo jiilanaanta jidheed ee booliska gaar ahaan saraakiisha sarsare ayaa la sheegay in ay horseedi karto in boqolkiiba labaatan miisaaniyada dawlada iyo dakhliga kabaxa ay badbaadiso, haddii lagaga dhabeeyo ganaaxaas.