Hay’adda NASA Oo Sheegtay In Qaraxii Weynaa Ee Cadceedu Sameeyay Dhinbiilo Hydrogen Ah Oo Halis U Leh Dunida
Washington 24,Jan 2016 (SDN/QJ):- Qarax si dabiiciya uga dhacay cadceeda ayaa sababay olol iyo bambooyin hal bilyan ka badan, oo nooca Plasma loo yaqaan ah, kuwaas oo ka samaysan curiyaha ololka daran ee Hydrogen afka qalaad loogu yeedho, sida laga soo xigtay wakaalada sahaminta hawada sare ee dalka Maraykanka NASA oo iyadu sawir ka qaaday.
Saynis yahanada NASA ayaa qaraxan ku tilmaamay kii ugu darnaa, ee inta la helay waxyaabaha lagu eego, ka dhaca qoraxda, waxaanu sida ay ku waramayaan awoodiisu ahayd mid aad u saraysa oo xawaarihiisuna ka dheeraynayo, hilaaca ama xawaaraha ilayska.
Waxa uu si xoog leh uga kacay qilaafka ama gibilka ku wareegsan qoraxda oo isagu wax badan inaga difaaca, falaadhaheeda iyo kulaylkeeda xad dhaafka ah.
Wakaalada sahaminta hawada sare u qaabilsan dalka Maraykanka ee NASA ayaa sheegtay in qaraxani dhacay maalintii isniintii, kaas oo ay xuseen in dayax gacmeed NASA leedahay uu la haleelay Kamaradihiisa, dynamic solar ka ah.
Khabiirada NASA ayaa qaraxan ku tilmaamay mid halis ah, oo waxyeelo u gaysan kari lahaa aadamiga, laakiin nasiib wanaag waxa uu qaraxu ku beegnaa ayay leeyihiin dhinac bari ee cadceeda oo aan dhulka ku beegnayn, waxaanay taasi meesha ka saartay halis ka dhalan lahayn qaraxaas.
Qaraxan ayaa qiyaas ahaan marka la cabirayo waxa ay culimada saynisku ku tilmaameen mid quwadiisu haddii uu dunida ama dhulka ka dhici lahaa, dhamaan aduunyada oo dhan baabiin kari lahaa, hasa yeeshee qoraxda oo aad inooga fog ma dareemi karno heerka qaraxaasi gaadhsiisan yahay.
Culimada sahaminta hawada sare ee arrintan ka hadlay ayaan haba yaraatee ka warami karin waxa dhaliyay qaraxaas iyo saamaynta uu yeelan karo, marka laga reebo in ay sheegaan in qarax ka dhacay oo kaliya.