|

Gurigii Lagu Metelay Filimkii Caan baxay ee Gurigaan Keli Ku Ahay “Home Alone” Oo La Iibinayo

Chicago 24,Jan 2016 (SDN/QJ):- Guri ka mid ah kuwii sida wayn caanka u noqday sagaashanaadkii qarnigii hore ee aynu ka soo gudubnay, isla markaana dadka intooda badani ku xasuustaan sumcadii iyo magacii uu ka helay filimkii lagu metelay ee Gurigaan keli ku ahay ama “Home Alone” ayaa shaaca laga qaaday in la iibinayo.

Home-Alone-1Gurigan oo ku yaala magaalada Chicago waxa sida la sheegay lagu iibinayaa, aduun dhan Hal milyan iyo sagaal boqol oo kun oo dollar, qimahaas oo ah ka sida rasmiga ah loo shaaciyay.

Gurigan ayaa ka mid ah kuwa ugu caansan dalka Maraykanka, waxaana si wayn loogu bartay filimkii lagu matalay ee Home Alone oo uu jilaa ka ahaa Macaulay Culkin, oo wakhtiga uu filimkaa matalay aad da’diisu u yarayd, isla markaana isaga iyo filimkii noqdeen kuwo si wayn dunida uga caan baxay.

Gurigan ayay warbaahintu sheegtay inuu ka kooban yahay 14-qol iyo beer dhinaca hore uu ku leeyahay waana dhisme hal dabaq ah, gurigan ayaa ah mid qurux badan waxaana iibkiisa la soo bandhigay sanadkii hore, oo waliba lagu baayacay, qiime sadax milyan oo dollar ku dhow, hasa yeeshee waxa aad moodaa in sanadkan qiimihiisu hoos u dhacay waxaanu gaadhay hal milyan iyo shan boqol oo kun oo dollar.

Comments are closed