|

Qiimaha Sarifka Dollarka oo Halkii u Hoosaysay Tegay iyo Maceeshadii oo aanay Waxba ka dhicin+ Shir Madaxtooyadda Ka Dhacay DAAWO

Hargaysa 23.Jan 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Labadii maalmood ee u danbeeyay Suuqyada Somallland si wayn looga daremayay hoos u dhac ku yimid qiimhii sarrifka dollar-ka halka qiimihii shilinka Somaliland uu kor u kac ku yimid

Bulshada ku dhaqan Somaliland ayaa soo dhaweeyay talaabadan wallow ay talaabadan ay barbar socoto dhibaato kale oo ah Maciishadii oo cirka maraysa taasina ay meesha ka saarayso in bulshadu ku diirsato talaabadan .

Waxaanay talaabadani u muuqataa mid aan la mahadin maadaama hoos u dhaca ku yimid Dollar-ka aanay la socon qiimaha maciishada oo iyana hoos u dhac ku yimaaddo si nolosha bulshadu u dheelitiranto .

Ugu danbeentii Bulshadu waxay xukuumadda uga fadhidaa sidii La isugu   dheelli tiri lahaa qiimaha sarrifka iyo maciishada .

Qiimaha Sarrifka Dollar-ka Ee Somaliland Labadii Cisho Ee U Danbeeyay .

 

1 Dollar Waxaa Laguugu Sarrifaya 6000 Shilin Somaliland ah , Halkii uu awwal ka marayay Inta u Dhaxaysaa 7000 Shilin Ilaa 7,500 Shilin Somalilnd .

Comments are closed