Wariye CabdiMaalik Muuse Coldoon Oo Maalinkii Shanaad Xabsiga Magaalada Burco Ku Jira iyo Sababta Xadhigiisa Oo Uu Ka Warramay
Burco,23jan,2016(QJ/SDN)-Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa waxa maalinkii shanaad uu ku jiraa xabsiga magaalada Burco, iyadoona xadhigiisa ay si weyn uga xumaadeen inta badan Bulshada Soomaaaliyeed gaar ahaanna suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa todobaadkii hore u sheegay koox wariyayaal ah oo xabsiga ku booqatay in danbiga loo haystaa uu yahay muuqaallo uu horay u duubay kuwaas oo uu kaga hadli jiray siday itoobiyaanku u qabsadeen deegaanada Somaliland isagoona muwaadiniinta reer Somaliland ku dhiiri galin jiray jacaylka dalkooda iyo waddaniyadda.
Coldoon ayaa sheegay in Maxkamadda degmada Burco ay horkeentay muuqaalladaasi isla markaana lagu yidhi waxaad colaad ka dhex abuuraysaa labada shacab ee Itoobiya iyo Somaliland, iyadoona la weydiiyay su’aal ahayd; Maadigaa yidhi Itoobiya waa cadowgeenna?
Wariye Coldoon ayaa horay uga tirsanaa Warbaahinta Qaranka Ee Somaliland isagoona ahaa wariyaha magaalada Burco ee Telifishanka SLNTV, Balse markii danbe laga fadhiisiyay shaqadii uu TV-gaas ka hayay, iyadoona wakhtigaasi uu sheegay in shaqo ka fadhiisintiisa ama ka eryidiisa lagu sababeeyay isla muuqaallada hadda xabsiga loogu taxaabay.
Dhanka kale, marka laga soo tago mihnadda saxaafadeed ee Coldoon iyo Baraarujinta shacabkiisa, waxa kale oo uu ahaa samafale u gar-gaara dadka tabaalaysan ee muslimiinta ah, isagoona aad ugu soo caan baxay samafalka iyo u adeegidda dadka danyarta ah.
Ugu danbeyntii, Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon waa aabaha dhalay Wiilka yar ee sawirkiisu hoos idiinka muuqdo Maxamed-Aamiin Cabdimaalik, waxaana maalinkii shanaad kala irdheeyay xabsi.
Marka laga soo tago in xukuumadda Somaliland ay xidhay Suxufi Samafale ah, haddana waxay xidhay Aabe dhallaan curdin ah dhalay.
Halkan Guji Si Aad U Daawato Mid Ka Mid Ah Muuqaallada Loo Haysto Coldoon
Qurbejoog.Com
Hargeysa,Somaliland