|

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wefti Uu Hoggaaminaayo oo ku Sugan Dalka Ciraaq SAWIRRO

Baqdaad,22Jan,2016(QJ/SDN)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wafdi ka tirsan Baarlamaanka oo uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Ciraaq.

Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay dhigiisa iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsanaa Dowlada Ciraaq, waxaana intaa ka dib loo galbiyay aqalka Dalka Ciraaq isaga oo halkaasi kula kulmay Mas’uuliyiin kale.

Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa halkaasi uga sii horeeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwooda ugu jira Baarlamaanka Wadamada Iskaashiga Islaamka ee PUIC iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Masuuliyiintaani ayaa halkaasi uga qeybgalaaya Shirar u dhexeyn doona Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Wadamada Iskaashiga Islaamka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa khudbad ka jeedin doona shirka PUIC, oo si rasmi ah Magaalada Baghdad kaga bilaaban maalinta Axada.

.







Comments are closed