|

“Ma jirto Dawladdii Af-weyne ee Culimadu Markay Xaqa Sheegto Xidhi jirtay Ee hala Habranina Kalmadda Diinta ah..” Xildhibaan Dheeg

Hargeysa, 21 January, 2016-(SDN/QJ) – Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Xukuumadda ku amaanay fulinta Xukunnada Qisaasta ah.

dheegXildhibaanka oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sidoo kale Golaha Wakiillada ku bogaadiyey joojinta Xeerka Baananka Ganacsiga, isagoo Culimada uga Mahad-naqay digniinihii ay ka bixiyeen iyo sidii ay uga soo horjeesadeen in Xeerkaa la dhaqan-geliyo.

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi, “Marka  Aadamuhu uu isku Xukumo waxa uu ILLAAHAY faray Ilaahay wuu u naxariistaa. Sidaynu ognahay, Maanta Adduunka joogaa waxa Qasab ah Niman Reer Galbeed ahi xitaa Dawladihii Lacagta lahaa ee Islaamka ahaa waxay ku qasbayaan inay Caqiidadooda wax ka beddelaan, kuwa Daciifka ah ee aynu ka mid nahayna way ka sii liitaan, haddii aanay Culimada Iyo Shacabku  ka kicin wixii Diinteena ka hor imanaya. Dawladaha iyo Xitaa Golayaasha way jiidhsiinayaan haddii aanay Shacabku ka hor imanin (Reer Galbeedka). Sidaa daraadeed, Golaha Wakiillada aad baan ugu Mahad-naqayaa, waayo? Waxay joojiyeen (Xeerka Baananka Ganacsiga) markay arkeen inay Hadateelinayaan Midh-midhka intuu Afka Ingiriisiga bartay jeclaystay waxyaabihii uu ku soo arkay Meelaha Gaalada in Baananku Isticmaalaan. Waxaan u Mahad-naqayaa Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo yidhi wixii aan laga qaadan Shareecada Islaamka waa waxba kama jiraan oo waanu joojinay.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu joojinta Xeerka Baananka Ganacsiga ku amaanay Culimada, “Culimada waxaan leeyahay Dhaxalkii Nebiga ayaad haysaan, inaad Diinta aad uga hadashaan oo aad Jimcayaasha ka hadashaan aad baan idiinku bogaadinayaa oo aan idiinku Mahad-naqayaa. Ma jirto Dawladdii Af-weyne ee Culimadu markay Xaqa Sheegto Xidhi jirtay, waxaad haysataan Dawlad Islaam ah oo Calankeeda Towxiidku ku yaallo, markaa hala habranina Kalmadda Diinta ah, ta xun ee dhiiri-gelinaysa kuwa Xagjirka ah ee Isqarxinaya dhan baynu uga soo wada jeednaa.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu soo dhaweeyay fulinta Xukunnada Qisaasta ah, :”Xukuumadda aad baan ugu bogaadinayaa fulinta Dilalka Qisaasta oo aad loo sugayey Maxkamaduhuna wada xukumeen, haddii la fuliyeyna aad baan ugu farxayaa, ILAAHAYNA wuu ku farxaa marka Xukunkiisa la fuliyo.”

Comments are closed