|

Xarunta Xuquuqal Iinsaanka ee HRC oo Xukuumadda kula talisay in wax laga beddelo Masaafurinta

Hargeysa, 21 January, 2016-(SDN/QJ) –Xarunta xuquuqal iinsaanka ee Magaceeda loo soo gaabiyo HRC, ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqday inay joojiso dadka itoobiyaanka ah ee dib loogu celinayo dalkooda.

HRC-GULedWar-saxaafadeed ka soo baxay xarunta xuquuqal iinsaanka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Qurbejoog, ayaa Xukuumadda loogu diray farriin la xidhiidha inay joojiso dadka itoobiyaanka ee ay dalka ka saarayo.

War-saxaafadeedka oo dhamaystiran, waxa uu u dhignaa sidan, “, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan “19kii January 2016, Booliiska Somaliland iyo saraakiisha Waaxda Socdaalku waxay bilaabeen olole dalkoo dhan laga fuliyay oo ka dhan dadka Itoobiyaanka ah ee jooga Somaliland. Sida uu saxaafadda u sheegay Wasiirka Arimaha Guduhu, waxa ka go’an dawladda inay ururiso oo ay dhoofiso Ajnabiga aan sharciga haysan. Dhoofintan balaadhani waxay bilaaban tahay kadib markii dawladdu ku dhawaaqday December 2015 in shisheeyaha aan sharciga haysani ay kaga baxaan dalka muddo sodon maalmood ah oo ka bilaabanta 1da January 2016.

Dadkan shisheeyaha ah waxa laga qab-qabtay waddooyinka. Ragga waxa lagu qaadayaa gawaadhi waa wayn halka dumarkana lagu qaadayo basas si loo gaadhsiiyo magaalada xuduuda ku taal ee Tog-Wajaale. Ilaa hadda boqolaal qof ayaa dib loogu celiyay Itoobiya.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay joojisaa dhoofintan balaadhan ee wadarta ah. Sodonkii maalmood ee dawladdu u qabatay xitaa weli ma dhamaan. Haananka dadka loo dhoofinayo waa inuu ku sallaysnaado qiimayn lagu sameeyo qof walba gaarkiisa si waafaqsan halbeegyada caalamiga ah. Xaruntu waxay walaac ka qabtaa ururinta dadka sida wadarta ah loogu qaadayo gawaadhi kadibna la geynayo xuduudda iyada oo aanay jirin hab iyo cid ka horeeysa oo ku daryeesha halkaas. Sidoo kale waxaan la ogaan karin tirada dhibaato ku soo gaadhi karta Itoobiya marka dib loogu celiyo, iyada oo maanka lagu hayo in inta badan dadka la celinayaa ay yihiin qoomiyadda Oromada.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay kula talinaysaa dawladda inay qof walba gaarkiisa u qiimayso ee aanay ka dhigin talaabo si wadar ah loo qaado si looga baaqsado in dadka qaar dhibaato soo gaadho marka la celiyo.

Somaliland waxa jooga dad badan oo Itoobiyaan ah oo intooda badan aanay haysan sharci halka qaarna ay u diiwaangashan yihiin magan galyo doon iyo qaxoonti. Wasaaradda Dib u Deijnta ayaa masuul ka ah diiwaangelinta codsiyada. Wasaaraddu waxay leedahay laba goobood oo keliya oo ay ku diiwaangeliso dadka. Labadaas goobood oo ku kala yaal Hargeysa iyo Berbera.

Guuleed Axmed Jaamac

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Comments are closed