|

Suldaan ku Mashquulsan Iib-geynta Qadiyadda Somaliland oo Urur-Gobolleedka IGAD ku qanciyey inay dhexdhexaadin ka galaan Wada Xaajoodka Soomaaliya

Hargeysa 21 January, 2016 (SDN/QJ): – Suldaan Mustafe Cismaan Xirsi Xareed, ayaa shaaca ka qaaday inuu urur-goboleedka IGAD ku soo qanciyey inay hormood ka noqdaan wada xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

SULDAANSuldaanka oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ee ku mashquulsan iib-geynta Qadiyadda Somaliland, ayaa sidoo kale sheegay in arrinkaasi oo uu Xukuumadda u bandhigay ay soo dhaweysay.

Suldaan Mustafe Cismaan Xirsi, ayaa sheegay in hadafkiisa koowaad yahay ka shaqeynta sidii dunida looga dhaadhicin lahaa qadiyadda madaxbanaanida Somaliland, natiijo fiicana ka gaadhay dhinacyo uu kala xidhiidhay.

Wargeyska Himilo oo wareysi dhinacyo kala duwan doraad kula yeeshay Suldaan Mustafe Cismaan oo muddo badan waddanka Maraykanka deggenaa, waxbarashadiisana ku soo qaatay, waxa uu hoosta ka xariiqay in shaqada uu qabto ka muhiimsan tahay in ummaddu kula Xisaabtanto qofkastoo masuuliyad u haya, halkii lagu qiimayn lahaa Hu’ qaadashada.

Mar la weydiiyey sababaha ugu waaweynaa ee masuuliyada beeshiisu u igmatay ku timid iyo Waxqabadkiisa muddadii ka dambaysay, ayaa ku jawaabay, “Xilkan muddo dheer ayaa ka soo wareegtay markii waxgaradka Beeshu ii magacaabeen, shaki la’aana sabab la’aan kuma iman, marka laga yimaaddo arrimaha dhaqan iyo Beesha, muhiimada koowaad ee aqbalaadda xilkan ku timid wuxuu ahaa inaan kaga sii midha-dhaliyo hawlaha ictiraaf-raadinta Somaliland oo muddooyinkii ka horeeyey masuuliyaddan aad marar badan ka qeyb-qaatay. Waaya-aragnimada aan u lahaa hawlaha dhaqanka iyo waajibaadka masuuliyaddan, aad uma badnayd intaanan qaban xilkan beeshu ii dooratay, laakiin, markii dambe waxaan ku dedaalay inaan dhinac walba u diyaargaroobo gudashadeeda, muddadaana arrimo kala duwan oo beesha aan kala qeyb-galay, ilaahay mahaddiina ku guulaystay way jiraan. Guud ahaan xaaladda Shacabka dalkeenu ku jiraan, ama gaar ahaan Beeshayduna wixii taageero aan ka geysan karo, dhinaca abaaraha ama biyo-dhaamiska waan ka qeybqaataa.”

Wariye Maxamuud Walaalleeye oo Suldaanka Wareystay, ayaa waydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa waxa uu ku saabsanaa iyo Natiijada ka soo baxday kulan uu dhammaadka Sannadkii hore uu Magaalada Dubai kula yeeshay Xubno kala duwan oo Xilal ka soo qabtay ama ka haya Waddamadooda Dhamaadkii sannadkii hore, ayaa isaga oo ka jawaabaya yidhi, “Marka laga hadlayo arrinka Aqoonsi-raadiska Somaliland, marar kala duwan ayaa wadamadda Reer-Galbeedka masuuliyiin ka tirsan wada xaajood ka yeelanay, taasoo badankoodu marar kala duwan si hoose ii xaqiijiyeen inaanay aqoonsi Somaliland hesho diidanayn,  balse cudur-daarkoodu yahay inaanay noqonayn dalalka ugu horeeya ee qaada talaabada, laakiin, loo baahan yahay inaad heshaan Waddammo Qaaradda Afrika oo bilaaba aqoonsiga Somaliland, taa haddaad heshaana waxaan diyaar u nahay inaan wax idin kala qabano, ololena idiin kala gallo. Arrinkaa awgeed waxaan xooga saaray sidii aan Waddamada Afrika uga bilaabi lahaa olole ku aadan Qadiyadda madaxbanaanida Somaliland, runtiina jawaabo fiican ayaan ka helnay, maxaa yeelay waa u xog-ogaal Qadiyadda Somaliland iyo kala duwanaansha Soomaaliya iyo nabadgelyada ka jirta dalkeena, annagoo taa ka duulayna waxaan bilaabnay inaan kulamo iyo casuumado u samayno Madax kala duwan oo Waddammada Afrika xilal ka soo hayn jiray, ama immika ka haya. Dhab ahaan kulankaa natiijo fiican ayuu ku dhamaaday waanay ka garaabeen qadiyadda Somaliland, dhowaana booqasho ayaan ku tegi doonaa dalalkaa.”

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Wada xaajoodka Somaliland iyo Soomaaliya u baahan yahay Waddamo Shisheeye, “Wakhtigan Wada xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu u baahan yahay Waddamo shisheeye oo dhexdhexaadinta qeyb ka noqda. Sidaa darteed waxaan iskaashi la samaynay Madaxda Urur-goboleedka IGAD inay kaalin Hoggaamineed ka qaataan, jawaabtoodiina waxay noqotay inaad diyaar u yihiin kaalin dhexdhexaadin ay ka qaataan wada xaajoodka u dhexeeya labada Waddan, haddii ay Xukuumadda Somaliland ka helaan codsiga.”

Suldaan Mustafe Cismaan, waxa uu tilmaamay in arrinkaa uu la wadaagay Madaxda Dawladda Somaliland, “Dhinacan Madaxda Somaliland waan la wadaagay mowqifkii IGAD, waxaanay sheegeen inay dardargelinayaan. Xukuumadda waxa muhiim ah inay ka faa’iidaysato muwaadiniinta reer Somaliland ee daafaha dunida ku kala dhaqan oo kaalin firfircoon ka qaadan kara Qadiyadda Madaxbanaanida, isla-markaana aad moodid in Xukuumaddu ka gaabisay ama sidii ugu haboonayd uga faa’iidaysay.”

Suldaan Mustafe, oo la waydiiyey su’aal u dhignayd inaan inta  badan lagu arkin labiska Madax-dhaqameedku Caanka ku yihiin ee Koofiyadda iyo Mucawista iyo inuu soo kordhiyey Muuqaal cusub oo madax-dhaqameedku ugu shaqeyn karaan bulshadooda, ayaa ku jawaabay, “Xilligii caleema-saarka waan xidhnaa labiska badi ay xidhaan Madax-dhaqameedku, laakiin, maalmo ka dib labiskan caadiga ah ayaan xidhay, inkastoo dadkii beeshu maalmahii hore igu odhan jireen Suldaan maxaad u xidhan weyday dharkii dhaqanka, laakiin, aakhirkii way la qabsadeen, markaan u sheegay inaanay igu qiimayn labiska aan xidhanahay, balse qofka masuulka ah lagu qiimeeyo waxqabadkiisa, mararka ay lama huraanka tahay inaan xidho labiska dhaqanka ee Madax-dhaqameedkana waan xidhaa, laakiin badi  ma jecli inaan Bulshada caadi ah ka duwanaado, ilayn maaha labis waxaan wax ku qabanayo iyo dedaallada aan sameeyaaye.”

Comments are closed