Ciidanka Kamaadowsta Oo Loo Tababaray Dowladda Soomaaliya iyo Fariinta Madaxweyne Xassan Sheekh
Muqdisho,20Jan,2016(QJ/SDN)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Dugsiga Tababarka Ciidammada ee magaalada Muqdisho tababar ugu soo xidhey dufcaddii 3-aad iyo qeybtii ugu horeysay ee ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Kamaandowska ee dugsigan ka qalin jebiya.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada dugsigan ayaa waxaa gacanta ku haya, isla markaana maalgelinaya Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana uu qeyb ka yahay mashaariicda kala duwan ee dalkaasi ku taageerayo Soomaaliya.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ciidamadan oo gaarayey illaa 300 ugu hambalyeeyey “Sida wanaagsan ee aad u dhameysateen tababarkan casriga ah”.
Waxa uu ciidamada u sheegay in looga fadhiyo “Inay door lixaad leh ka qaataan cidhibtirka argagixisada Al-Shabaab ee ku xidhan Al Qaacida”.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale ammaan u jeediyay dowladda, shacabka iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, oo tababarkan maal-geliyey.
Munaasabaddan, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo mas’uuliyiin kale.