|

Haddaa Yaanu Dad-qal Xadi gaadhin = W/Q: Maxamed Cabdillaahi Biixi

12596409_10201534777406719_303695431_nWaa waa hore , hadda sidaasi usii horeeya oon dhaweyn. Waan yaraa, Haddaa yaraanshiyo ma ahayne way yaraanshiyo dhaaftay. Ku dhawaad hilaadii 2006 bay ahayd. Goobtu waa hargeysa, Qofka sheekadani ku dhacdayna waa ani.

Waagaasi aan aadka u yaraa waxaan ahaa wiil aad iyo aad waxbarashada u jecel gaar ahaan waxaan aad u xiisayn jiray inaan barto luuqadaha siiba ingiriisiga oo baryahaasi ahayd wax balo ka dhacday oo xataa haweenka miyiga kasoo galaybaa ku hadli jiray oo guri jiray i dont care iyo shidhboolshidh maxaa waxana baray?.

Waxay sidaasi ahaataba waxa aanaad u jeclaa inaan barto luuqadaasi, kaliyaata inaan barto uun may ahayne waxa iyaduna aad u jeclayd ingiriisiga hooyaday oo i odhan jirtay” hooyo ingiriisiga baro haddii kale dugsiga sarre si fiican waxba u baran kari mayside oo waliba intaanad 8ka gaadhin si fiican u baro”.
waxay sidaasi ahaataba, waxa markii danbe dhacday in bareefat luuqadaha lagu barto la i geeyo si aan luuqadda ingiriisiga ugu soo barto.
Se nasiib darro xaafadda aan daganaan jirnay oo ahayd jigjigayar wax bareefat ahi uma dhaweyn!!!.

Waagaasi xagga horumarka xaafadda jigJigayar way ku hoosaysay.
May ahayn jigjigayartan hadda caasimadda noqotay ee waxkasta laga helo.
Sidaasi aawadeed, waxaa qasab noqotay inaan u tago bareefado ku yaala suuqa-hoose si aan u soo barto ingiriisiga.
Waagaasi suuqa waxaa ku yalaay bareefato heer caalami ah oo biyaha tufi jiray, koollajyadda reer landhan kamay dhici jirin.
Waxa baraaktiis la samaynayo, waxa tobigyo la jeedinayo iyo waxa inan iyo inan is gurayaan haw aaryuu? Weer aaryu kamfaroom iyo way u aar luukin at me am ay e miror waad waayabaysaa!!!!.

Waxa bareefatadadaa ugu cadcadaa aflax, waabari,xasan cawaale, nuuradiin iyo iqra oo ahaa kuwa ay waagaasi magaaladdu u shidnayd. Xataa waxay ahaayeen intay shidni dhaafeen qaar holac bixiya. Alla waagaasi waayaysnaaye.
Shukaansiga ka dhaca magaaladda meel kale kamuu dhici jirin, waxa ay ahaayeen crownada iyo green plazayaasha magaaladda. Se waxaas oo dhan waxaan ka ahaa uun daawade waayo waan yaraa oo hablahuba inay dadka cunaan baan moodi jiray.
Kuwa labista marsada iyo kuwa iscadeeya waan ka baqanjiray!!!.

Waagaasi da’ daydu sheekadda ma aqoon se da’da xilligan joogtaa sheeko iyo waxaas wayba dhaafeen oo way is guursadaan.!!! Waagu wacnaaye.
Tallaw ma anagaa badaw ahaan jiray? Moojaan!! Haddaan gartay ee iska dhaaf faysbuug baan jirin oo halkaanu badawda ka ahayn halkaasay ahayde.
Xaafadayada oon curad u ahaa aawadeed waxa lay geeyay bareefat la odhan jiray IQRA oo ku daba yaalay fooqa maaweel amaba kasoo horjeedi jiray isguulka xasan cawaale, sababta oo ah waxa uu ahaa ka noogu soo xiga jigjigyara ahaan suuqana udhaw. Wiil curad ah oo la jecel yahay ma iska ahaa aad baa lay ilaalin jiray.

Hadda lafteeda waa lay ilaaliyaa hablooy ee hoy iska kay ilaasha. Mayee isku kay ilaasha ma yidhaah?. Oo isku ilaalinta ma biifbaf baan ahay cayayaanka ka ilaalinaysa? Dee mooji!!!. Yeelkeede bareefatkii waan bilaabay. Waan xasuustaa oo maalintii u horaysay waxa aan galaaska bilaabay iyaga oo dhigta buug la odhan jiray(lost cat) bisadii luntay. Buugani wuxuu ahaa buug ka horeeya buuga la yidhaah new concept english.
Calashaan waa beginner iga dheh. Haa waa begginer se hadda ALPHABETKA englishta waanu ka saraynay oo iyagoo halkaas marayaan la bilaabay.

Waa maalintii iigu horaysay een bareefat fadhiisto oon English ku dhigto mise suuqaba waxbarasho u yimaad. Nimaan suuq arkin dhaayo la’aa!!! Suuquba ma sidan baa? suuquba hay danbeeyee waxa cajabtu cajiib ila noqotay hablahan aanu isku kalaaska ahayn oo badankoogu iga waaweynee, misena laa xawlaa qurqurux badnaa!!! Alla qurquruxbadnaayeenaa hablahaasi. Sababta miyaad garanaysaa? Maya baan filayaa, waayo waxaan ahaa arday dugsi hoose dhexe wax ka dhigta oo hablo xaydarada cuna moojaane aan waligii arag oo ag fadhiisan inan haaf dhajisa xidhan, xamuurad afka soo marsatay, boorso yar garabka ku haysa oo shalmad yar huwan.
Ayaamihii u horeeyay waxba ma dhigan jirin oo maalinkasta dharkooga ayaan iska dàadaawan jiray. Waxaan xasuustaa inan haaf dahabi ah iyo shaadh kiisa oo dahabi ah soo xidhanjirtay. !!!!

Alla xumaa markay iyaguna nuunuu yar kuu arkayaan oo maxamed yaraw buugaa ii dhiib iyo waraaqahaa inoo soo koobiyee ku odhnayaan.
Anna waaban ka helayaa oo calashaan nimay ka heleen baaban isku haystaa!!! Se ka heliduba ha joogtee inlayn gacanyaraan u ahay. Caruuri waa ciil laga waynaado.
Galaaska noocaas ah baan wax la dhigan jiray.
Waxa galaaska ugu yaryaraa aniyo 3 inamood oo kale laakiin 23ka kale waa ay naga waaweynaayeen. Waxa uu waayuhu sidaas ahaadoba maalinba maalinta ka danbaysa waxbaa luuqadaydii iska soo badbadalaya.
Baraaktis samee, buug habaryartaa leedahay lecture kasoo qoro oo jeedi misena haba yaabaan oo ha yidhaahdaan waaba cadaab yarku. Muddo yar kadib galaaskii waxaan ka noqday waxyaroo daadax ah oo casharadiisa ka adag.

Runtiina been ma ahayn oo aad baan u xiisayn jiray ingiriisiga inlayn nin hablo ka waaweyni maxamed kaalay erayadaas noo qor iyo tobik noo soo qorta hayaan baan ahee. Allaw yaa u sheega in buugii habaryaro ku dhigan jirtay ingiriisiga aan kasoo qoro waxan.
Waxay sidii ahaataba markii danbe si daacad ah baan bahalkii u bartay, maalin kasta warka 2 da ayaan soo dhagaystaa, halkaasaan baraaktis kasoo sameeyaa oon ula yimaadaa ardayda anoo waxaygii yaraa sharaabsan.
Marka aan galaaska ka baxno hablaha waxa ay israaci jireen wiilasha ay isku gayaanka yihiin, aniguna 3 dii kale ayaanu israaci jirnay ilaa aanu baska ka gaadhayno. Laba waxay gali jireen pepsiga, mid xero-awr anna jigjigayar waxaananu ku kala leexan jirnay saldhiga dhexe ee hargeysa agtiisa.

Inta aanu usoo socono baska laga soo bilaabo xafiiska daalo airline ilaa laga soo gaadhayo masjidka rusheeye ee sheekh dirir tujiyo badanka waxa aanu kusoo ciyaari jirnay candho candho. hanala yaabin caruur baanu ahayne. Maalin kasta caado ayayba noo ahayd ciyaartaas yari.

Haddaba, waxaanu ciyaarnoba maalin maalmaha kamid ah ayaa waxa aanu kusoo habsaanay bareefat oo awal halka aanu kasoo bixi jirnay 5 ayaanu kasoo baxnay 5.30kii galabnimo, dhulkii waa soo modoobaanayaa cadeeceedina orod bay kusii hoyanaysaa habeenkaa wax ka si ahaa mooyaane aad bay u dagdagaysay cadceedu.
Laakiin anaga nagama qasna oo candho candhadii baa noo muuqata.

Iska bilawnay, isna eryanay oo kolba mid la candhee oo haddan mid kale la candhee, anaga oo sidaasi ciyaartaasi xamaasadda leh ugu jirna ayaa waxaan markaliyaata waayay seddexdii asxaabtayda ahayd mar aan soo gaadhnay fooqa baxsane ee horncable tv xafiiska ku leeyahay , waliba qaybta kasoo horjeedda xafiiska somtel.

Waan istaagay. cabaar baan raadiyay, se waan waayay. Waxaan u qaatay inay iga dhuumanayaan, haddana macquul ilamay noqon oo anuu ka laga dhuumanayay maan ahayn ee ninkale ayaa noo candhaysnaa oo naba eryanayay. Yaab!!!!

 Waan daydayay oo daydayay oo haddana daydayay se waan waayay.

Anoo yaaban oo amakaagsan uun baan markaliyaata is idhi ‘gaadhigan caasiga ah ee ku horyaala bilay kudaba jiraan, mise dhankiisa danbe ayaan eegay oo kuma dhuumanayaan.
Soo jeedsigaan soo jeedsaday oon isleeyahay iska tag uunbaa bahal dhirbaaxo ah dhabanka baw laygaga siiyay!!! Ilaa hadda ma kala garanayo inay xanuun ahayd iyo inkale. Waxaanse xasuustaa in dhabankii i kogay oo qaboobay.

Dhirbaaxadda waxa igu dhuftay waa nin, wajigiisa ma arko se kaliyaata waxaan arkaa surwaalka uu xidhnaa oo caddaan ahaa iyo shaadhku xidhnaa oo fiyoolee ahaa, ninku dhexda ayuu ka xidhnaa suun madawna waa uu kaga xidhnaa. Garabka ayuu i qabsaday, waxa aanu markiiba igu bilaabay” adeer iskawaran ? Ma fiicantahay? maanad i garanayn? Ima garanysid baan filayaa oo addoo caruur ah baa iigu danbaysay gurigiina. Intan intuu leeyahay ani shoog baa i haysta hal marna ugama jawaabayo, kaliya waan aamusanahay. Waxaan umalaynayaa inaan sixranaa.

Inta uu waxan i leeyahay waxa ii igala soo talaabayaa dhanka fooqa baxsane oo uu iila soo talaabaya halka uu fooqa somtel hadda yahay.

Wadada bartankeeda markaan marayno uun buu miyirkaygii igu soo noqday oon markaliyaata iswaydiiyay muxuu la dagdagayaa ee uu gawaadhida uga istaagi laayahay? Waayo waxaan miyirsaday isagoo gaadhinxawli ku aocda suginkari la’ oo hore u talaabaya.

Markaan intan iswaydiiyay ayaa wax markiiba igu soo dhacay hadal ay hooyaday igu lahayd galabnimadii markaan xaafadda kasoo baxay oo ahaa’ caruurbaa la qashee is ilaali’.

Markiiba jidhiidhico ayaa iga booday. Xasuuso markan waxaan ku hoos jiraa kilaankiladiisee. Tallo ayaa igu cadaatay. Waanan fikiray, waxaan sameeyona waan ka fikiray inta aanu wadada ka talaabaynay kun iyo toban go’aan baa igu soo dhacaya.

Mar ma qaylisaa baan isleeyahay? Oo haddaad qayliso bilaa dadkuba wada sixranyihiin oo lagu raaciyaa? Mar waxaan isleeyahay ma orodaa? Oo ma orod baad kaga dheerayn bay nafi i leedahay? Marna islaamaha jaadlayda ah ma utagtaa baan isleeyahay? Kun iyo kotonkaa wax baa intii yarayd een talaabaynay igu soo dhacay.

Anoon go’aan qaadan baan tallawnay se wali si si ah. Markii aanu talawnay baa gaadhi uu lahaa oo hortaagnaa dahablaha xafiiska somtel ku xiga oo garande ahaa ayuu daaqadda danbe furay soona fuul i yidhi.

Saacadan anuu waan anfariirsanahay waliba kurboonayaa oo dhididkaa raba inuu iga yimaad halka iyadana ilmadu rabto inay aayar iska soo socoto, waxaan ku qasbayaa inay ku jiraan nudaha jidhka ee ay ku kaydsanyihiin. Haddayse nudahaas kasoo baxsadaan waxaa dhacaysa in la dareemo inaan wax dareemay oo dareenkaygiina iisoo noqday.
Waxaan sameeyo ma garanayo, tallona waa ay igu cadahay.

Waan garwaaqsaday inuu ninkani yahay dadqal i raba inuu i xado se nuuxsan karo. Markan waa inaan fikiraa, inta aanan gaadhiga korin ayaa waxaa markaliyaata igu soo dhacay dhako aan islahaa waad ku badbaadaysaa.

Waxaan ku yidhi” adeer substationkaa masjidka sheekhdirir ku hoosyaal, hadda kaas aan farta kuugu fiiqayo sawma arkaysid baan kasoo qaadayaa 300$ oo biilkii xaafadda ah oo la dhigee aan inoo soo qaadee isii sug” intan markaan leeyahay ilama aha inaan ku badbaaadayo!!!! Waayo nin arkaaya naf dhan isma odhanayo macalaa 300$ ku darso oo fasax hasoo qaadee, nasiib wanaagse wuxuu ahaa dadqal iimaan la’ oo waxba dhaafay lacagta iyo anigaba wuu noo miliqsaday.

Waxa uu igu yidhi” orod waayee adeer soo dhaqso aan gurigii hore kuu geeyee”!!!!! Ma nacas baan ahay, markuu intaas iyidhi waxa iga soo booday neef qabaw oo neecaw wadata aan la qiyaasi karin runtii siday ahayd.

Firxadka aan halkaasi kasoo qaaday waxaan ka dheeraynayay gawaadhida wadada hareeraheega maraysay, mooji dadku inay ila yaabanaayeen. Anuu waxba ma arkayn oo dhamaan dareemadaydu waa ay kacsanaayeen indhahaygana waxaa buuxisay ilmo hililiqda i haysa.

Waxaan ordoba waxaan maqiiq aan ku galay guri adeerkay leeyahay oo kudaba yaala baanka dhexe ee hargeysa, anoo xiiqsan oo hiir raagaya baa ay aayaday igu tiri” maxamed maxaa kugu dhacay?” Maan u jawaabayaba iyada lafteeda ayaan u haystaa inay dadqalka heshiis la tahee.

Bal naftan waalan eega, oo hadday heshiis la tahay maxaa gurigeega i keeny!!!! Waxa i keenay waa waalidnimo iyo guriga oo gurigii adeerkay ah se waxa waswaaskan oo dhan igu waalayaa saw maaha inaan ahay nin sixran.!!!!

Qasabad guriga ku dhex taalay baan biyo ka cabay kana fool dhaqday, waxayna aayaday igu tiri’ maxamed shaydaanka iska naar oo halkan soo fadhiiso anaa ku kaxaynaya oo guriga ku gaynayee’ se maan aamini runtii ee intaan xuf kusoo siiyay baan anoo maqiiqan orod gurigii kaga soo baxay. Inay iga daba yimaadeen iyo inkale alaahu aclam!!!!.

Anoo maqiiqan baan markaliyaata is arkay inaan joogo istaankii basaska jigjiga yar laga raaci jiray.
Waxa uu ku ahaan jiray istaanku hadda halka uu yahay.
Bas aan ilaa immika xasuusto oon xataa 6 bilood kahor markaan hargeysa joogay aan soo arkay oon iskuulka u raaci jiray barigaan xuseen giire(dugsi-hoose dhexe) dhigan jiray baaa nasiib wanaag taagnaa, kii baan dalaq soo yidhi.

Baska dirawalka wada waan waji aqaan, sidaasi aawadeed waxaan fadhiistay kursiga dirawalka ku beegan ka ka danbeeya ee kali kalida ah si haddii uu ninkii soo koro aan dirawalka ugu qayliyo oo uu ii badbaadiyo.

Naftan yar ee igu jirta alla maxaa lasoo cadaabay!!! Malaha cadaab danbeba iimay hadhin. Wadnahaa fudhfudhaa i haya, baskii dhaqaaq nasiib wanaagna ma saarnaa ninkii.

Markii aanu marayno halkii ku beegnayd dahablaha ku xiga somtel oo ahayd halkaan kaga tagay gaadhigiisuna taagnaa ayaan daaqadda baska daaha aayar ayaar ka qaaday oo khaawisay misena waa uu taagan yahay daaqadiina waa ay furantahay.

Naxdin weynaa wakaas ku arkay baan is idhi oo dagdag baan daahii daaqadda ugu daday. Qulu waluhu wuu daalay,anna waan jajabinayaa oo nafnaxsan baan ahay.

Waxay sidaas ahaataba markuu baskii cabaar socday ee uu marayo gooladda state houseka ayaa dad badani ka daadageen, markaasaan xagga danbe eegay, mise waxaaba xagga danbe fadhiya isagii!!!!!!!! Laa xawlaaaa. Orod intaan isqaadaay baan dag is idhi markaasaan haddana isa soo qabtay oon ogaaday inaanan xaafadii gaadhin.

Markan war uma hayo inuu isna damcay inuu soo daadago iyo inkale se baskii anoo kawada dagin baan dib iskaga soo noqday… horta waagaas dadku cadawsanaayee maskiinkaygan yar ee naxsan mayna dareensanayn? Maya baan u malaynayaa oo waagaas psychologyga aad looma baran.kkkkkkk.

Markaan kusoo noqday gudihii baska baa waxaan fadhiistay kursiga dirawalka ka danbeeya ee labada lagu fadhiisto oo madhnaa.

Markan kursiga umaan fadhiisan inuu dirawalku wax iga qabto, se waxaan u fadhiistay inaan kolba dhinac u dhaqaaqo marka basku istaago oon iska dhigo nin dagaya anoo anna isaga dareenkiisa eegaya. Isagu kursiga danbe oo madhan buu fadhiyaa, markuu basku dhaqaaqo anna wax dagaan iska dhigaa anoo isaga eegaya, mise isna waa uu iska dhigaa oo uu igu qoslaa!!!!! Naxdin weynaaa!!!! Wali ma hadli karo oo cidna umaan sheegin in nin dadqal ahi baska saaranyahay.

Waxaan ka cabsi qabaa in dhamaantood uu sirxo iyo inay iyaga laftoodu dadqal yihiin. Hoostaan ka leeyahay : aalla hooyooy aalla aabooy dadqal baa i helay!!!! Waxuu xaalkii sidaas ahaadoba oo uu qosloba , walibana midkaayaba ka kale la dhaqaaqoba tallo waxay ka fursan wayday inaan markale fikiro oon keeno hanaan aan ninkan kaga baxsado.

Ninkani marbaan soo siray se lagama yaabo inaan markale sigo saw sidan maaha. Waan fikiray waliba fikir naxsan oo maskax dhiig badani ku socdo ka imanayo, cabaar kadib waxaa igu soo dhacday fikrad ah: inaan baska kaga dago oon joojiyo meel ku beegan guri habaryartay leedahay oo wadada qarkeega saaran, kadibna aan sidii wax maqiiqan gurigaasi galo, waayo isagu halkaasi kuma dhaco inuu iga soo dabo galo.

Sidii baan go’aan ku qaatay. Markuu baskii gurigii usoo dhawaaday baan joojiyay oon sidii xabad la tuuray ka booday , nasiib wanaag albaabka guriguu wuu furnaa. orodkaan ku galay baa waxaa isoo celiyay gidaar daarada danbe ku yaal.

Markan waan yara nafisay se haddana waan naxsanahay oo waan isku aamini kari laayahay guriga haboyartay oo waxaan ka cabsi qabaa inuu soo galo oo iyana ii dhiibto!!!!! Duni la kala aamin baxay baaan waagaas ku sugnaaa.

Markaan gidaarkii sidaas uga soo go’ay baa haboo naxsani igu tiri”habo maxaa dhacay? Way aragtaa inaan ilmaynayo se waxaan ugu jawaabay waxba. Inyar kadibba anoon nasan oo iyana warka u dhamaystirin baan el kaga soo baxay gurigeegii, garo oo gurigeeguu wuxuu ku yaal agagaarka ina bakeeri-jigjigayar.

Jiirta irshaad tagta ee ina bakeeri kabaxda baa anoo sida miiga u duulayaa ka baxay oo haddana la daadagay, waagaas haddii orodka laygu dari lahaa Mo Farah caruureeye ayaan noqon lahaa.
Nin naxdini hayso ma waxaanu mofarah ka dheeraynbaa?!!! Jiirtu halkay ka daadagto ee ka laabato baa gurigayaga looga laabaa se nasiib darro xawligaan ku socday waan is qaban kari waayay oo anoo maqiiqan baan geedo iyo meel madaw daf yidhi.
Waqtigan aan rafaadayo waa 7dii habeenimo oo dhulku waa madaw. Orod baan kaga soo baxay meeshii madoobayd oon dib jiirtii usoo koray anood moodo in sida fulkaanaha wax iisoo tuureen.

Anoo hiirraagsan oo naftu i hayso baan soo galay gurigayagii hooyo iyo caruurtayadii joogaan. xaafadii waa ay iga naxday, mar inlay soo dilay moodeen, mar inlaysoo sirxay marna in jin isoo galayba.!!!!!

Iyaga oo amakaaagsan biyo iyo baraf laygu qabay, liin laysii oo joogaag isku qulaami inlayn nin maanta dhan ordayoo laga xaraabadaysanayaan ahaa inlayne. Inyar kadib wadaad jaar nala ahaa baa loo yeedhay halkii baana quraan laygu aqriyay. Subaxnimadii baan soo toosay anoo caafimaad qaba, markaasaan xaafadii dhacdadii uuga sheekeeyay.

Maalintaa wixii ka danbeeyay bareefat laygama saarin se waalay sii qaadi jiray.

Waxaase nasiib darro ah in maalintaas ilaa maalintii bareefat iigu danbaysay oo 2 bilood u dhaxeeyeen aanan arag seddexdii saaxiibadayda ahaaa ee maalintaasi aan waayay!!!!!!! Mooji in iyagana la xaday maalintaasi oon anuu badbaaday kaligay…. dhamaad.

Mohamed cabdilaahi biixi.
Addis-ababa, ethopia.
Medical student.
Biixiyare@hotmail.com.

Comments are closed