|

Bogcad Ka Tirsan Somalia oo Maalmo dhan aan Arag Iftiinka Qoraxda,Roobkuna aanu ka Qaadin? DAAWO

Boosaaso, 20 January, 2016-(SDN/QJ): – Ma ogtahay Akhriste in uu jiro dhul Soomaaliyeed oo qoraxda aan la arag maalmo badan, roobkuna hadh iyo habeen ka da’ayo, isagoo wata qabow iyo ceeriyaamo.
Dhulkani waa dhul barwaaqo ah, xoolo badani ku nool yihiin, dhirtu aad ugu badan tahay, xeebta magaalada Boosaaso-na kor uga sarreeya in ku dhow 2000 oo mitir.
Dhulkaas waxaa loo yaqaan Calmadow, daruuraha ayaa dul heehaaba, biyo rabbaani ah ayaa buuraha ka soo burqada, roobkuna kama kaco. Geela, ariga iyo lo’du waxay daaqaan isku meel, reer guuraaga iyo beeralayduna waa dhex jiifaan.
Wariye Cali Cabdi Ducaale iyo Gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug Tigey ayaa booqday degaanka Calmadoow  iyagoo ku baraarujinay shacabka reer Puntland iyo Soomaali inteeda kaleba dhistaan dhulkooda oo ka faa’iidaystaan nimcada Ilaahay siiyey.

Comments are closed