|

Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Guddoomiyahooda oo lagu canaantay burburka Waddada Madaarka Caasimadda

Hargaysa, 20 January, 2016-(SDN/QJ): – Wadayaasha Gaadiidka Basaska Caasimadda Hargeysa ee u kala Goosha Degmooyinka Maxamed Mooge Iyo Maxamuud Haybe ee Hargeysa, ayaa Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Xildhibaannada Golaha Deegaanka ku canaantay dayaca baahsan ee Waddada Laamida ah ee ka timaadda Madaarka.

 

Wadada-Madaarka1Wadayaasha Basaska u baxa degmooyinka Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe oo Shalay la hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay in Maamulka Dawladda hoose ee Hargeysa ay Dadka ku dhaqan degmooyinka Waddada Madaarku dhex marto laga qaaday Lacago, laakiin, illaa hadda aan waxba laga qabanin burburka ka muuqda Waddadaasi.

 

Guddoomiyaha Gaadiidka Basaska ee Xaafadaha Maxamed Mooge Iyo Maxamuud Haybe Xasan Xuseen,  ayaa sheegay “Xildhibaanadan Maanta Jooga ee la doortay iyo Maayarku way ku fashilmeen Shaqadii loo doortay, waayo? wataa Waddadii Waynayd ee Halbawlaha ahayd ee ka timaadda Madaarku burbursan.  Dadka halkan deggan waa laga qaaday Lacagtii, wax alaale iyo wax laga qabtayna ma jirto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray Madaxweynaha “Mudane Madaxwayne Kuwan Iminka Meesha jooga ee Xildhibaannada ah Kuwo aanu weligayo aragnay maaha. Mudane waxaan kaa codsanaynaa adigaa ka masuul ah Umadda Somaliland ee Ummadda ka qabo Nimankan (Golaha deegaanka Hargeysa).

 

Golaha deegaanka Hargeysa, ayaa dhawaan soo iibiyey Qalab tiro badan oo wax lagaga qabanayo burburka Waddooyinka Caasimadda, waxayna sheegeen in Waddada Madaarka Hargeysa ka timaaddaa kaw ka tahay Waddooyinka wax laga qabanayo.

Comments are closed