|

“Dacawo Halkay Macal Uga Baratay Bay Macaluul Ugu Dhimataa” Mujaahid Cali Guray

Hargaysa, 20 January, 2016-(SDN/QJ): –Kalfadhigii Wakiiladu si lama filaan ah buu u xidhmay iyadoo looga gol lahaa in aan cod loo qaadin Xeerkii Baananka. Kolay ma jiro wakhtigan xaadirka Baan caalami ah oo xiiso u haya in Somaliland uu xarun ku yeesho waayo mid ama laba ayaa jiray iyaguna markay arkeen sida ay wax yihiin dib bay u liqeen candhuuf toodii.

cali gurayWakiiladu in ay waajib kooda gutaan waxay ka door bideen xil gudasho laan ay u arkeen inay ku qasban yihiin sababta oo ah waxa loogu hanjabay inay balaayo ka dhici doonto.

Baanankan belaayadu ka dhacayso hadii Somaliland loo ogolaado waxaynu wada ognahay in dhamaan dalalka Muslinka ah ee dunida oo dhan ka shaqeeyaan. Waxay ka furan yihiin Maka iyo Madiina oo xaramaynkii ah. Masar ayay ka furan yihiin oo culimadii Al Azhar joogaan boqortooyana aan ahayn. Muslinka ugu tirada badan dunidu waxay ku nool yihiin dalka Indonesia oo ay ka furan yihiin Baanankani. Dalka Bakistaan oo aynu wada ognahay sida ay diinta ku yihiin una yaqaanaanna way ka jiraan oo way ka shaqeeyaan.Marka laga reebo Somaliland meel kale oo dunida muslinka ah oo laga diiday ma jirto. Muqdisho iyo Bosaso ayaa la sheegayaa in dhawaan laga furay.

Markaa hadii culimo ka aqoon badan culimada dunida muslka ee kale oo dhami ay Somaliland inoo joogto horta waa ilaahay mahadii inaga oo keliya ayaa markaa mutaysanay in la inoogu yeedho Jamhuuriyadda Islaamiga Ah hadii kale culimadeena ayaa culimo baas ah oo dan kale leh.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh sheekada Xeerka Baananka xili kale mooyee kolay inta u hadhsan xukuumaddan iyo wakiiladan waxa haboon in la iska iloobo oon dib loo soo qaadin. Sidiisaba Golahan Wakiilada wax xeerar ah loogama baahna ee keliya waxa looga baahan yahay Xeerkii lagu dooran lahaa gole cusub kaana waxad moodaa in aanay diyaar u ahayn ee weli ay ka warwareegayaan iyaga oo quud daraynaya muddo kordhin dambe, balse ma laga yabaa in xaal koodu noqdo DACAWO HALKAY MACAL UGA BARATAY AYAY MACALUUL UGU DHIMATAA

Comments are closed