|

“Xeerkan Baananka ee Golahayga horyaala waa qayrul sharci, waa qayrul dastuuri, waa ribo,dagaal ayaan la galayaa” Xildhibaan Maxamed Saalax Cige

Hargaysa, 19 January, 2016-(SDN/QJ): – Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay Xeerka banaanka ee dooda iyo muranka adag dhaliyey, waxaanu sheegay in Xeerkani uu yahay mid ribo ah, oo Shareecada iyo Dastuurka Somaliland ka hor imanaya,waxaanu tilmaamay inuu Culimada ku taageersan yahay go’aankii ay ka soo saareen.

Xildhibaan Maxamed SaalaxXildhibaan Maxamed Saalax Cige oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay socdaalkii uu ku tagay Gobolada Barri Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Abaaraha dalka ka jira iyo Diiwaangelinta, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi uu ku bilaabay “Xeerkan Baananka ee Golahayga horyaala waa qayrul sharci, waa qayrul dastuuri, waa ribo, Shareecada Islaamka iyo Dastuurka Somalilandba wuu khilaafsan yahay,wuuna ka hor imanayaa, ILLAAHAY SWT waxa uu yidhi cida ribada isticmaasha, dagaal ayaan la galayaa, dagaalka ILLAAHAYNA ma awoodno,markaas ka Xildhibaan ahaan waxaan taageersan nahay go’aankii ay Culimadu ka soo saartay xeerkaas, oo ah inuu xeerkani yahay ribo, Culimaduna waxa ay sidaan dhaxalkii ambiyada, waxa ay sidaan dhaxalkii Nabi Maxamed naxariis iyo nabadgaliyo korkiisa ha ahaate, madaama markaas ay Culimadu inoo sheegtay inuu Xeerkani ribo yahay, waxa wanaagsan in aanu akhiradeena u tudhano, oo aanu meesha ka saarno, waxaana run ah in xeerkani faa’iidada ku jirta ay tahay ribadaas dulsaarka ah, markaas haddii la doonayo in aanu ansixino xeerkan marka hore waa in laga saara wax walba oo ka hor imanaya Diinta iyo Dastuurka.

Haddii aynu nahay dad muslim ah, waa inuu shaqeeya xeerkani iyo nidaamkeena, tusaale ahaan haddii aan doonaya in aan qabto Wadanka Mareykanka, isla markaasna aan ka furto Meherada, marka hore waa in aan raaca sharciga, shuruucda iyo xeerarka u yaala Mareykanka, markaas haddii aynu nahay dad iyo dal islaamka ah waa inay shuruucdeena iyo sharciyadeenu shaqeeyaan, kuna shaqeeyaan Sharciga Islaamka iyo Dastuurkeena”.

Xildhibaan Maxamed Saalax ayaa mar uu ka hadlay socdaalkii uu Muuse Biixi ku tagay Gobolada Barri ayaa waxa uu yidhi “Socdaalka uu Muuse Biixi ku tagay Gobolada Barri, waxa aan u arkaa socdaal uu isku muujinayey, oo uu olole ku galaayey, laakiin ilaa hadda lama gaadhin ololihii, waana sharci daro”.

Xildhibaan Maxamed Saalax ayaa mar uu ka hadlaayey Diiwaangelinta ayaa yidhi “Diiwaangelintu waa muhiim, in qof kastaana kaadhka Diwaangelinta qaato xaq buu u leeyahay,laakiin dadkeenu waxa ay u badan yihiin reer guura, wakhtigaas kooban ee laga dhigayna kuma filnaa, ee waxa aan Komishanka u soo jeedin lahaa inay wakhtiga intaas ka kordhiyaan, si loo wada qaato Kaadhka Diiwaangelinta”.

Xildhibaan Maxamed Saalax ayaa mar uu ka hadlaayey Abaaraha ayaa yidhi “Dalka waxa ka jira Abaaro, waxa aan soo baray Deegano badan oo Somaliland ka mid ah, waxaan ku soo arkay Deeganadaas Abaaro baahsan iyo dhibaatooyin badan oo ka muuqda dadka, waxaana leeyahay fadhiga aynu ka kacno oo Mucaarad iyo Muxaafidba dadkaas ha loo gurmado, oo wax ha la taro, ILLAAHAYNA waxaynu ka baryeynaa inuu raxmadiisa inoo shubo”.

Comments are closed